Brighton vs Liverpool – Reds Oo Hoggaanka Kusoo Laabanaysa,
Liverpool ayaa dib ugu soo laaban doonta hoggaanka horyaalka Premier League haddii ay guul ka gaadho ciyaarta ay martida ku tahay garoonka Amex Stadium ee ay ku sugayso Brighton & Hove Albion.
Kooxda horyaalka difaacanaysa ayaa waxay hadda isku dhibco yihiin Tottenham oo ay hoggaanka wada-jir u hayaan laakiin waxa lagaga horreeyaa farqiga goolasha oo xisaab ahaan ka dhigaysa kooxda kaalinta labaad fadhida, balse haddii ay Brighton kasoo adkaato waxay kali ku noqon doonaan hoggaanka, halka Spurs ay Axadda la ciyaari doonto Chelsea oo haddii ay guuleysan weydo ay Liverpool hoggaanka u hannayn doonto.
Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisa dhaawacyo ragaadiyeen xili ciyaareedkan oo aan wax badanba soconin, iyadoo xiddigaheeda muhiimka ah ay qaarkood xili ciyaareedka oo dhan maqnaanayaan, taasina waxay su’aal gelisay fursadda ay u haystaan inay koobka difaacan doonaan.
Laakiin guushii 3-0 ahayd ee ay ka gaadheen Leicester City toddobaadkii hore iyo barbarrihii uga sii horreeyey ee ay Manchester City wada galeen, waxay siisay kalsooni weyn oo ah inay socon karayaan xataa iyadoo dersin ciyaartooyo ahi ka maqan yihiin.
Sidaas oo ay tahay, waxa haddana Arbacadii ay Reds la kulantay jug weyn oo soo gaadhay kaddib markii ay kooxda Talyaaniga ah ee Atalanta BC ay Anfield ku dhex garaacday 2-0, kana horjoogsatay inay iska xaadiso wareegga 16-ka ee tartanka Champions League.
Natiijadan ayaa naxdin ku ahayd tababare Jurgen Klopp oo 137 ciyaarood oo xidhiidh ah aan lagaga badinin garoonka Anfield wax ka badan hal gool, iyadoo dhinaca kalena ahayd guul-darradii ugu horreysay ee Liverpool ay garoonkeeda kula kulanto tan iyo September 2018.
Jurgen Klopp ayay tahay inuu iska illoobo natiijadaas si uu hore ugu socon karo ama uu ka dhigto shidaal hore usii riixa, si ay ciyaarta maanta ee Brighton guul uga soo hoyn karaan, hoggaankana ugu fadhiistaan.
Inkasta oo uu Virgil van Dijk ka maqan yahay, haddana waxay Liverpool usbuucii hore xaqiijisatay kulankii toddobaad ee ay shabaqooda oo nadiif ah ku dhamaystaan horyaalka Premier League xili ciyaareedkan, taas oo meesha ka saaraysa walaacii weynaa.
Dhinaca kale, Brighton ayaa afartii guulood ee ugu dambeeyey ee ay ka gaadheen horyaalka Premier League, waxay dhamaantood ahaayeen kuwo kusoo hanteen meel ka baxsan garoonkeeda, waxaana ugu dambaysay Aston Villa oo ay 2-1 kusoo garaaceen usbuucii hore.
Haddii ay guul ka gaadho Brighton ciyaartan, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee laba kulan oo xidhiidh ah ay guuleystaan tan iyo November 2019, waxaana cajiib ah in saddexaad dhibcood ay geyn doonaan meel ka sarraysa booska ay Manchester City kaga jirto miiska kala-sarraynta inkasta oo Guardiola iyo wiilashiisu ay dhaafi doonaan haddii ay iyaguna badiyaan.
Xaqiiqooyinka jira ee ay tahay inaad maankaaga ku hayso waxa ka mid ah in Brighton aanay waligeed ka guuleysanin Liverpool tartan horyaalka ah, guusha kaliya ee ay ka haystaana ay tahay January 1961kii oo ay heerka labaad ee Second Division (Championship) ay ka wada ciyaareen.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Brighton vs Liverpool
Tartanka: Premier League
Waqtiga: 3:30pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Amex Stadium
Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood
Liverpool waxa ka maqan ciyaartooyo muhiim ah, waxaase kulankii Atalanta usoo laabtay Mohamed Salah oo muddo xanuunka Korona Fayras ku maqnaa iyo Rhys Williams.
Salah ayaa la filayaa inuu kusoo laabto kulanka Brighton si uu usii kordhisan karo goolashiisa shanta ah ee uu horyaalka Premier League xili ciyaareedkan ka dhaliyey iyo saddexda caawimood ee uu haysto.
Diogo Jota oo aan lagu soo darin kulankii badhtamaha usbuuca ee Champions League, waxay ka dhigan tahay inuu mar kale kusoo bilaabi doono garoonka iyadoo sidoo kale ay soo muuqan doonaan Roberto Firmino iyo Sadio Mane, taas oo ka dhigan inay shax weerar ah ku ciyaari doonaan.
Fabinho ayaa qaban doona difaaca dhexe oo ay iska garab ciyaari doonaan Joel Matip.
Waxa dhaawac ku maqan oo aan ciyaartan fursad u haysanin dersin ciyaartooyo ah, sida Van Dijk, Joe Gomez, Trent Alexander-Arnold oo difaaca ah, halka khadka dhexena ay wali maqane yihiin Thiago Alcantara, Naby Keita, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Xherdan Shaqiri.
Kabtan Jordan Henderson ayaa kusoo laabtay tababarkii khamiistii muddo uu garoomada ka maqnaa kaddib, waxaase la qiimayn doonaa xaaladdiisa haddii uu taam u noqon karo ciyaartan.
Dhinaca kooxda martida loo yahay ee Brighton, hal cihyaartoy oo kaliya ayaa dhaawac ka ah, waana Tarqi Lamptey, balse Adam Lallana oo Liverpool uga soo wareegay xagaagii ayaa la qiimayn doonaa xaalkiisa maadaama uu jug ka cabanayay.
Leandro Trossard ayaa kusoo laabtay garoomada, sidoo kale Solly March, Davy Propper iyo Aaron Connolly ayaa la filayay inay tijaabada caafimaadka ka gudbaan.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood
Brighton & Hove Albion: Ryan; White, Dunk, Webster; Veltman, Bissouma, Gross, March; Trossard; Welbeck, Maupay
Liverpool: Alisson; N Williams, Matip, Fabinho, Robertson; Milner, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane; Jota