Barca Oo Doonaysa Xiddigii Portugal Dilay, Arsenal Oo Weeraryahan

Manchester United ayaa qorshaynaysa inay Paul Pogba ka dhigto xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka La Liga heshiis cusub oo guud ahaan 104 Milyan oo pound noqonaya. (Sun)

Borussia Dortmund ayaa Man United u sheegtay inay ama 77 Milyan oo pound oo lagu daray gunnooyin shuruudo ku xidhan ka bixiso Jadon Sancho amaba ay iskaga dhaqaajiso. (Talksport)

Paris St-Germain ayaa Real Madrid xidhiidh kala samaysay heshiiska suurogalka ah ee ay Raphael Varane kahala wareegi karto.(Foot Mercato – in French)

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu daafaca ka tagaya Real Madrid ee Sergio Ramos oo 35 sano jir ah keensado AS Roma. (Calciomercato – in Italian)

Arsenal ayaa dhigeeda Eintracht Frankfurt la furtay wadahadalo ay ku doonayso 25 sano jirka weeraryahanka ah ee Andre Silva oo 35 Milyan oo pound lagu heli karo. (Transfer Window Podcast, via Express)

Arsenal ayaa hoggaaminaysa heshiiska lagu doonayo khadka dhexe ee Argentina iyo Real Betis ee Guido Rodriguez. (Marca – in Spanish)

Chelsea ayaa heshiis cusub oo qaali ah u bandhigaysa N’Golo Kante. (Fabrizio Romano, via Mail)

Leicester ayaa doonaysa inay la saxeexato khadka dhexe ee Scotland iyo kooxda Celtic ee Ryan Christie. (Mail)

Lazio ayaa diyaar u ah inay iibiso Joaquin Correa oo xiiso ka helaya Arsenal iyo Tottenham, Gunners ayaa doonaya inay heshiis ciyaartoy is-dhaafsi ku siiso Lucas Torreira. (Gazzetta dello Sport – in Italian)

27 sano jirka ree Turkey ee Hakan Calhanoglu oo heshiiskiisa AC Milan xagaagan dhacayo ayaa la siiyay wakhti kama dambays ah oo uu ku xaliyo mustaqbalkiisa xilli lala xidhiidhinayo Arsenal. (Football Italia, via Express)

Eintracht Frankfurt ayaa xiisaynaysa saxeexa da’yarka ree Turkey ee Cengiz Under kaas oo 10 Milyan oo euro lagaga heli karo AS Roma kaddib markii uu sanad amaah ah kusoo qaatay Leicester. (Calciomercato – in Italian)

Newcastle ayaa doonaysa inay Arsenal heshiis ciyaartoy iyo lacag ah siiso si ay uga hesho Joe Willock oo lix bilood oo amaah ah oo lagu najaxay la qaatay Magpies. (Newcastle Chronicle)

Barcelona ayaa Atalanta kala xidhiidhay suurogalnimada ay ku heli karto daafaca bidix ee ree Germany ee Robin Gosens. (Sport1 – in German)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More