Awoowe Masaari Ah Oo Dhigay Rikoodh Kubada Cagta Ah Oo Ay

Awoowe Masaari ah oo lagu magacaabo Bahader ayaa lagu qoray buuga rikoodhada ee Guinness World Records xalay oo Sabti aheyd ka dib markii uu seegay rigoore iyadoo kooxdiisa oo lagu magacaabo Lixda Oktoobar ay guuldarro 3-2 ka soo gaartay kooxda El Ayat Sports oo ka dhisan heerka seddexaad ee kubada cagta Masar.

Bahader ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee xirfadle kubada caggta ah isagoo ay da’diisa noqotay 75 sanno jir 3dii bishaan November.

Waagii hore ayuu garoomada ku jiri jiray laakiin wuxuu dib ugu soo laabtay bishii March ee sannadkan isagoo rigoore dhaliyay kulankiisii ugu horeysay.

Wuxuu qorsheynayay in isla bisha March uu ciyaaro 90 daqiiqo si loogu diiwaangeliyo rikoodhkaan laakiin taasi hakad ayaa ku yimid madaama Korona Fayras uu hakiyay kubada cagta caalamka.

Bahader ayaa sheegay in kooxdiisa Lixda Oktoobar inuu u soo jiiday dhaqaale badan iyo shirkado badan oo xayaysiin raba madaama rikoodhkiisa uu meel walba gaaray.

Qaar ka mid ah lixda caruur ee uu awoowaha u yahay ayaa soo xaadiray kulankii Sabtida iyagoo ku qeylinayay magaciisa mar walba uu kubada qabsado.

“Waxaan ku riyoonayaa inaan jabiyo rikoodhkaan aan haatan dhigay si aan u sii adkeeyo tartanka” ayuu yiri Bahader.

Rikoodhka uu dhigay waxaa hore u hayay 73 sanno jir u dhashay Israel oo lagu magacaabo Isaak Hayik.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More