Arsenal Oo Dalabkii Saddexaad Ka Gudbisay Xiddig Uu Mikel Arteta Ka

Arsenal ayaa dalabkii saddexaad ka gudbisay xiddig uu tababare Mikel Arteta doonayo in uu ka dhigto kabtanka kooxda, kaas oo laba jeer oo hore oo ay dalabyo ka gudbiyeen ay ku guuleysan waayeen.

Arsenal ayaa hore u gudbisay dalab £42 milyan ah, laakiin diidmo degdeg ah ayaa kasoo gaadhay, waxaanay ku celiyeen dalab kale iyadoo lacagta gaadhsiisay £48 milyan oo Gini, balse kaasna kuma ay guuleysanin iyadoo loo sheegay in lacagtaasi aanay gaadhsiisnayn intii ay kooxda uu ciyaartoygani joogo ku fasixi karaysay.

Tababare Mikel Arteta oo ay ka go’an tahay inuu helo laacibkan ka hor inta aanu bilaabmin horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, ayaa waxa uu gudbiyey dalabkii saddexaad oo qiimihiisu yahy £54 milyan oo Gini.

Difaaca reer England ee kooxda Brighton ee Ben White ayay Arsenal dul-dhigatay calanka, waxaanay wararka warbaahinta Ingiriisku sheegayaan inuu Arteta ka dhigi doono kabtanka kooxdiisa haddii ay ku guuleystaan saxeexiisa.

23 jirkan oo ay tartankiisa soo gashay kooxda kubadda cagta Everton, ayay Gunners doonaysaa in ay ku hesho £48 milyan oo kaash ah oo ay hore ka bixinayso iyo £6 milyan oo Gini oo ay dib ka bixin doonto, taas oo wadarta ka dhigaysa £54 milyan oo Gini.

Brighton ayaa hore u dalbanaysay £50 milyan oo Gini, balse markii ay aragtay xiisaha loo hayo ayay sare u qaadday qiimaha.

Warka ayaa intaa ku daray in Mikel Arteta uu si shaqsi ah uga shaqaynayo heshiiska laacibkan, isagoo kooxdiisana ku cadaadinaya in ay lasoo saxeexdaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More