Alvarez Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Chelsea.

Xiddiga kooxda Man City ee Julian Alvarez ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu kooxdiisa man city ku riixayo in uu ka tago kooxda isaga oo sheegay in uu ku faraxsan yahay Etihad.

- Advertisement -

Alverz yaa laba xilli ciyaareed oo cajiib ah waxana uu dhaliyay 19 gool xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Inkasta oo uu muhiim u yahay kooxda hadana Alverz ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Man City.

Waxa soo baxay warar sheegaya in uu xiddigu isaga tagi doono Man City si uu u raadsado koox uu joogto ugu ciyaaro.

Xitaa waxa uu xiiso ka helay kooxaha Atletico Madrid Iyo Chelsea kuwaas oo doonaya saxiixiisa suuqa xagaagan.

Laakiin xiddiga ayaa beeniyay in uu doonayo in uu ka tago kooxda xagaagan waxana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay Man City.

“Haatan raaxo ayaan ku dareemayaa man City waanan ku faraxsanahay lkan,waan arki doonaa waxa dhaca”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More