Xildhibaanadda labada golle oo meelmariyay heshiiskii

Fadhiga golaha shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meelmariyay heshiiska Doorashada ee ay ku heshiiyeen madaxda Dowladda Faderaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

252 Xildhibaan ayaa oggolaatay Sharciga doorashada 2020/2021, kaasi oo maanta la horgeeyay kulan wadajir ah oo ay yeesheen xildhibaanada BFS.

Waxaa diiday Labo Xildhibaan, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha Shacabka BFS, Maxamed Mursal Shiikh Cabduraxmaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More