Wasiirka Amniga Galmudug oo amarro soo saaray

Axmed Macalin Fiqi wasiirka amniga galmudug oo ka hadlay qorshaha amniga gobolka mudug ayaa soo saaray amaro cusub oo ku aadan qorshaha xasilinta gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in qofkasta oo al-Shabaab u aaday magaalada Gaalkacyo laga doonayo inuu isdiiwaangaliyo 7 maalmood oo ka bilaabaneysa 27 December, 2020 si hay’adaha amaanka ay u helaan xogtooda.

“Dadka ka tagay gobolka Mudug ee ku biiray Al-Shabaab waxay isdiiwaangelinayeen muddo toddobaad ah oo ay u hoggaansamayeen awaamiirta, ciddii diida amarkan waxaa loo oggolaanayaa in ay soo qabtaan ciidamada ammaanka, waana lala tiigsan doonaa sharciga, dadka horay ayaa looga mamnuucay aadaya al-Shabaab. “ Sidaasi waxaa yiri Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga Galmudug.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu u digay dadka hubka sharci darada ah ku haysta magaalada Gaalkacyo, dhuxusha, aalkolada iyo dhamaan waxyaabaha kale ee loo arko inay qeyb ka yihiin amni darada.

“Wixii hada ka dambeeya waa mamnuuc in hub lagu dhex qaato magaalada Gaalkacyo, lama ogolaan karo hub aan ka aheyn dareeska ciidamada, dhuxusha waa mamnuuc, waxaan la dagaalami doonaa qamriga waxaana naga go’an fulinta awaamiirtan”. ayuu yiri wasiir Fiqi.

Ciidamada amaanka Galmudug ayaa kordhiyay howlgalada ay ka wadaan Koonfurta Gaalkacyo kadib qaraxii 18-kii bishii Diseembar, 2020 kaasoo ay ku dhinteen saraakiil iyo dad shacab ah oo ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta ra’iisul wasaare Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More