Wararkii ugu dambeeyey baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan T…

Muqdisho (Axadle) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar u shaqeysa hay’adda NISA oo hadda la la’yahay muddo ku dhow bil, kadib markii la waayey 26-ka June.

Ikraan ayaa aheyd gabar aqoonyahanad, oo aad ugu wanaagsan qorista warqadaha xiriirka xafiisyada sida dowlad ama hay’adaha kale. Ikraan ayaa dhex-daganeyd xeendaabka NISA, ee ka xiran cirifka global iyo kan KM-0, taasi oo hay’adda farta kusoo fiiqday.

Habeenka 26-ka June ee Ikraan uu baabuurka ka qaaday gurigeeda, waxaa dalka ka maqnaa taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji. Dhanka kale, taliyaha NISA ee gobolka Banaadir gaashaanle sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud “Yaasiin Farey”, iyo gaashaanle sare Farxaan Maxamuud Qaroole, oo ah taliyaha booliska gobolka ayaa ayaga oo ku sugan xarunta Godka Jilicow hagayey sugidda amniga axadle, maadaama la isku diyaarinayay damaashaadkii maalmahii xoriyadda oo habeenkaas kow u ahayd.

Ikraan ayaa ku baxday gaari u muuqday in qofka waday uu awood badan ku lahaa NISA, sidoo kalena ahaa qof ay aamintay. 

Illaa iyo hadda ma cadda cidda wadatay Ikraan iyo cidda bixisay amarka lagu watay Ikraan, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee ku ehelka ah Ikraan iyo kuwa aan ku ehelka aheynba waxay eedeeyeen madaxda sare ee hay’adda.

Xildhibaan Mahad Salaad oo maanta qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri “Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arrimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis [Taliye ku-xigeenka] ku lug leeyihiin.”

Sidoo kale, dad ehel la ah Ikraan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa si gaar ah u eedeeyeey Kulane oo ay sheegeen inay Ikraan is-qabteen, kana jaray gunnooyinkeeda, sidoo kalane uu amray xanibaad xagga socodka ah oo la saaray.

Sida aan xogta ku helnay, Ikraan laguma baraarugin maqnaashaheeda labadii cisha ee ugu horreysay, markaas kadib ayaa walaasheed oo joogto Faransiiska waxay soo wacday Yaasiin Farey, oo ah taliyaha Nabad-Sugidda gobolka Banaadir. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Yaasiin Farey uu hadda hoggaaminayo kiiska baaritaanka maqnaanshaha Ikraan. Waxyaabaha illaa iyo hadda uu baaritaanka ku ogaaday ayaa la sheegay inay ka mid yihiin inuu hubiyey inaysan dalka ka bixin, maadaama uusan soo helin record galeed ama muuqaallada ay duubeen kaamirooyinka garoonka wixii ka dambeeyey maalmihii la waayey. 

Taliyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale soo helay muuqaallada kaamirooyinka u dhow gurigeeda, oo muujinaya raadka u akaanshiyaha gabadha iyo gaariga nuuciisa, balse weli lama hayo xog intaas dhaafsan.

Taliyaha ayaa sidoo kale weydiistay shirkadaha taleefonada Muqdisho inay siiyaan xogta xiriirka ugu dambeeyay ee ay sameysay gabadha balse sida la sheegay way diideen inay dhiibaan.

Darwalka la magacaabay oo magaciisa lagu sheegay Wadna-qabad ayaa ah sarkaal ka tirsan NISA, oo aan marna darawal u noqon taliye Yaasiin Farey. 

Yaasiin Farey iyo Ikraan Tahliil, ayaa waxaa sida aan xogta ku helnay is-baray taliyaha NISA Fahad walaalkiis, ayada oo la sheegay in sidoo kale uu kala ballamay Fahad laftiisa, wixii markaas ka dambeeyay waxa ay u ahayd xogheyn aqoonteeda kula joogto. 

Yaasiin Faray iyo Ikraan ayaa la sheegay inay aad isugu dhowaayeen oo uu xitaa bartay qoyskeeda, waxa ay isku ahaayeen dad isku fiican oo shaqada isaga dhow. Yaasiin ayaa sidoo kale mas’uuliyad iska saaray Ikraan, waxa uuna bixinayay adeegyada nolosheeda marka ay magaalada joogto sida kirada iyo biilkeedaba, markii ay hay’adda lacagta ka jartay. Waxa uu sidoo kale kala ballamay laba wiil oo darawalladiisa ka tirsan inay u adeegaan marka ay u baahato dhaq-dhaqaaqa magaalada.

Taliye Yaasiin Farey ayaa la sheegay inuu yahay ninka kaliya ee dadaal kasta ku bixiyay sidii uu heli lahaa Ikraan, balse uu aad uga xumaaday markii siyaasiyiin dano gaar ah leh ay ku eedeeyeen darawalkiisa in ay ku dambeysay maqnaanshada Ikraan, taasi oo uu u arkay sumacd dil shaqsi ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More