Sidee loo bixiyaa Qandaraaska Shidaalka Soomaaliya? –

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, Ibraahim Cali Xuseen oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay qaabka loo maareeyo qandaraasyada shidaalka ee Soomaaliya.

Ibraahim wuxuu sheegay in guddigoodu uu ku howlan yahay sidii shirkadaha looga dhaadhicin lahaa inay u soo hiilliyaan Soomaaliya, maadaama ay ka baqayaan xaaladda ammaan iyo siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Wuxuu sheegay mid ka mid ah su’aalaha inta badan ay weydiiyaan shirkadaha maalgashiga shidaalka inay tahay kalsoonida ay ku qabaan maalgashiga Soomaaliya iyo sida ay dib ugu soo noqon karto.

“Nidaamka qandaraas bixinta wuxuu ku saleysan yahay nidaam hufan oo cadaalad ku dhisan oo shirkadaha loo maro, masuuliyad ayaa naga saran, waxaan rabnaa qandaraas ay raali ka yihiin dadka Soomaaliyeed, waana sii wadaynaa soo jiidashada shirkadaha, anaga oo wax ka weydiineyna amniga iyo siyaasadda dalka. Sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Isaga oo hadalka sii wata ayuu yidhi Hadafkeena ugu weyn ee ah inaan shidaal ka soo saarno Soomaaliya waa inaan cirib-tirno saboolnimada iyo shaqo la’aanta haysata dhalinyarada, waxaa naga go’an inaan uga faa’iideysano dadka Soomaaliyeed qaab ka duwan kan dowladaha qaar u baahan yihiin.

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen ayaa dhanka kale sheegay inay jiraan dowlado qaniga ku ah shidaalka oo ka xasilloon dhanka amniga iyo siyaasadda, laakiin ay halkaas ku sii qulqulayaan shirkado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More