Saraakiil lagu soo tababaray Turkiga oo Muqdisho la keenay &

Diyaarad Militari oo sidday in ka badan 300-Askar iyo saraakiil Ciidan kana tirsan gorgor gaar ahaan ururka 5-aad ayaa soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xildhibaan Xasan Cali Maxamed Amar dambe, saraakiil katirsan Dowladda Turkiga iyo kuwo kale oo Soomaali ah ayaa soo dhaweeyay Askarta iyo Saraakiisha hoggaamineysa ee tababarka lasoo qaatay.

Gen. Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha CXDS ayaa Ciidamadaan tababarka aqoon kororsiga ah kusoo qaatay Turkiga kula dardaarmay in ay kasoo baxaan waajibka ka saaran howlgalada socda.

“Waxaa la idinka sugayaa in aad dalka ugu faaiideysaan dadaalkii, tababarkii iyo meelihii kala duwanaa aad kusoo qaadateen, waxa kale oo la idinka sugayaa in aad shacabka ka dulqaataan Cadawga, marwaliba xusuusnaada tababaradii aad soo qaadateen iyo aqoonta idiin korortay” ayuu yiri Taliye Odowaa.

Sii hayaha Wasiirka Difaaca XFS Xasan Cali Maxamed Amardambe ayaa soo dhaweeyay Askarta & Saraakiisha tababarka kusoo qaadatay dalka Turkiga, waxa uu kula dardaarmay in ay mas’uuliyad iska saaraan waajibaadka saaran.

“Dufcooyin idinka horeeyay ayaa ku biiray Ciidamada qalabka sida gaar ahaan xoogga dalka, kusoo dhawaada, waxa la idinka rajeynayo waa in aad waajibkiina gudataan si dadka, dalka iyo diinta u anfacdaan, Waqtiga aad ku bixiseen kamid noqoshada ciidamada & qaadashada tababarka oo aad qayb ka tihiin dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka” Sidaasi waxaa yiri Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Isla diyaaradda lagu keenay Askartaan iyo Saraakiisha Tababarka kusoo qaadatay Turkiga waxaa lagu qaaday dhalinyaro kale oo maalmihii lasoo dhaafay tababar ku qaatay xeryaha Ciidanka gaar ahaan Turksom.

Dowladda Turkiga ayaa tababar Ciidan gudaha Soomaaliya ku siisa Ciidamada Dowladda, halka aqoon kororsi ugu qaado xeryo ku yaalla dalkeeda, waana qayb kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen xukuumadaha Muqdisho iyo Ankara.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More