Midowga Yurub oo Gobaladda Waqooyi ka taageeraya hormarinta

Ergeyga Gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga ayaa sheegay in uu Gobaladda Waqooyi ka taageerayo hormarinta Teknoolojiyadda iyo ko u qaadista xirfada dadka ku shaqayn kara.

Ambassador Nicolas Berlanga ayaa Hargaysa kula kulmay wasiirka Isgaarsiinta Iyo Tiknoolajiyadda  Somaliand Cabdiweli Cabdillaahi Suufi, Agaasimaha Guud, shaqaalle iyo lataliyaal ka tirsan wasaarad Isgaarsiinta Gobaladda Waqooyi.

Qoraal ka soo baxay wasaarada Isgaarsiinta Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu ka taageeri doono maamulka Hargaysa hormarinta Tiknoolajiyadda iyo mashaariic hormarineed.

“Ambassador Nicolas ayaa sheegay in EU-du ka taageeri doonto wasaaradda hirgalinta mashaariicda Teknoolojiyadda, qorshaha shanta sano ee E-Government-ga iyo sidii guud ahaan kor loogu qaadi lahaa horumarinta Teknoolojiyadda ee Gobaladda Waqooyi isaga oo sidoo kale sheegay in ay la dhacsan yihiin Qorshaha shanta sano ee E-Government-ka ee ay wasaaraddu diyaarisay” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda Isgaarsiinta Gobaladda Waqooyi.

Wasaaradda Isgaarsiinta Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in ay dadaal xoogan ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa teknoolojiyyadda, isla markaana Gobaladda Waqooyi u noqon layahd hormoodka teknoolojiyadda goboladda Geeska Afirca.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More