Marcus Rashford Oo Kabo Khaas Ah Xidhan Doona Kulanka

0

Da’yarka kooxda Manchester United ayaa caawa kulanka uu xulkiisa qaranka England la yeelanayo dhigiisa Belgium xidhan doona kabo khaas ah oo uu ku xardhanaan doono qoraal lagu dhiirigelinayo kaddib caawin halyeeynimo oo uu dalkiisa ka sameeyay.

Xiddiga Manchester ayaa Jimcihii la siiyay abaalmarinta MBE ee khaaska ah ee ay bixiso boqorada England iyadoo laga abaalmarinayo dedaalkiisii caruurta yar yar ee dalkaas ee uu ugu gar-gaaray in cuno bilaash ah la siiyo xilli dawladu ay ka jaraysay.

Rashford ayaa xidhan doona kabo ay ku qornaan doonto “Waxaan ahay mustaqbalka” oo ay raacsanaan doonaan farriimo ka yimid caruurta uu caawiyay qaarkood.

Bogga rasmiga ah ee England ku leeyahay barta Twitter-ka ayaa shaaciyay warkan iyadoo lasoo raaciyay sawirka Rashford qudhiisa oo kabaha kor u haya lana soo raaciyay qoraalka ah “Waxa uu dhiirigelinayaa Malaayiin waxaana uu cod siinayaa jiilka xiga”

Sidoo kale mid kamida xadhkaha kabaha khaaska ah ee uu Rashy xidhan doono ayay ku qornaan doontaa odhaahda caanka ah ee halyeey Mohamed Ali oo ah “Aqoonso sida daqiiqad kasta oo kamida safarkeenu ay qayb muhiima uga tahay koritaanka ruuxdeena”

Rashford ayaa amaan badan kala kulmay kaddib markii uu dawlada ra’iisal wasaare Boris Johnson ku qasbay inay ka noqdaan go’aanka ay 1.3 Milyan carruur ah kaga jarayeen cuno bilaash ah oo dugsiyada lagu siiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More