Madaxweyne Farmaajo oo Jubba u tagay heshiiska Suudaan. –

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi la socda oo ka safray Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Jubba Caasimadda Koofurta Suudaan, kadib markii lagu casuumay ka qaybgalka shir halkaas ka dhacaya.

Kulanka ayaa ku saabsan heshiis nabadeed oo u dhaxeeya Dalka Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee ku Galbeedka iyo Koofurta Dalka Suudaan sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu kamid yahay Madax kooban oo Afrikaan ah oo lagu martigeliyay in ay marqaati ka noqdaan heshiiskaan lagu soo afjarayo colaadda daba-dheeraatay ee dhinacyadaan.

Mas’uuliyiin katirsan Koofurta Suudaan ayaa soo dhaweeyay Wafdiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u galbiyay goob loogu talagalay in la dajiyo hogaamiyayaasha lagu casuumay heshiiska.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in warqadda Casumaadda Madaxweyne Farmaajo lasoo gaarsiiyay, sidaasina uu ku baxay, waxaana uu la kulmayaa dhinacyada heshiiska gaaraya iyo hogaamiyayaasha kale ee ka qaybgaleysa.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa daris-wanaagga, iyada oo ka shaqeynaysa nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah” Sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Axadle                          

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More