Madaxweynayaasha Cuba & Kenya oo kawada hadlay Dhaqaatiir

Madaxeynaha Cuba Miguel Díaz-Canel ayaa Jimcihii xiriir la sameeyay Dhiggiisa Kenya Uhurru Kenyatta oo ay kawada hadleen xaaladda iyo xorriyadda labo dhaqtar oo Al-Shabaab u afduuban sanad iyo bar.

War kasoo baxay madaxtooyada Havana ayaa lagus heegay in wadahadalkaan uu ka dhashay kadib markii Dowladda Cuba ay kordhisay xiriirka salka ku haya walwalka dhaqaatiirtaan gacanta Al-Shabaab ku maqan tan iyo April 2019-kii.

“Waxa aan wadahadal taleefoon oo miro dhal ah la yeeshay Hogaamiyaha Kenya Uhuru Kenyatta, innaga oo is weydaarsanay arrimaha Dhaqaatiirta iyo qodobo kale” Sidaasi waxaa Bartiisa Twitter-ka ku yiri Hogaamiyaha Cuba.

Cuba ayaa dadaal ku bixineysa xorriyad helista labada dhaqtar ee Al-Shabaab kasoo qafaalatay Mandheere oo lagu kala magacaabo Landy Rodríguez Hernández & Assel Herrera Correa oo takhasulkoodu yahay Qalliinka iyo daaweynta.

5-tii Bishaan Wasiirka Arrimaha dibadda Cuba ayaa xiriir la sameeyay dhiggiisa Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo ay kawada hadleen qorshaha lagu soo deyn karo dhaqaatiirtaan afduuban iyo doorka DFS ay ka qaadan karto.

6-dii Oktoobar, waxaa soo baxay Warar sheegaya in Odayaal dhaqameed ay u kala dab-qaadayaan Al-Shabaab iyo Cuba si loo daayo dhaqaatiirta, waxaana saacado kadib warkaas soo baxay hadal ay daabacday Wakaaladda AP oo ah in sarkaal katirsan sirdoonka Soomaaliya uu u xaqiijiyay sii deynta dhaqaatiirta, balse markii dambe waxaa beeniyay labada Wasaaro arrimo dibadeed ee Muqdisho & Havana.

Dowladda Cuba ayaa soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xorriyad u helista dhaqaatiirta ku maqan gacanta Al-Shabaab oo la aaminsan yahay in lagu heysto Deegaannada DG Jubbaland, inkasta oo aan lahayn xaqiiqo ku saabsan warkaan.

Cuba & Al Shabaab oo kawada xaajoonaya dhaqaatiir afduuban!

Cuba oo DFS kala hadashay habka loosoo furan karo dhaqaatiir Al-Shabaab u afduuban.

Al Shabaab oo sii daaysay 2 dhakhtar oo reer Cuba ah!

Soomaaliya & Cuba oo beeniyay in lasii daayay Dhaqaatiir Al-Shabaab afduubatay!

Isha:-  La Estrella Depanama  /  Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More