Kooxaha Kubadda Cagta Yurub oo taageeray Howlgalka EU ee

Howlgalka Midowga Yurub ayaa taageero ka dalbaday kooxaha kubadda Cagta ee Qaaraddaas si ay gacan ugu noqoto howlaha tababarka ciidan ay ka wadaan Soomaaliya & taageerada Dowladda Federaalka.

Midowga Yurub ayaa gacan-qabasho u dalbay howlgalkooda tababarka Militariga ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo (EUTM-S) oo mas’uuliyadda ugu badan shaqada ururkaan ka fuliya Sooomaaliya.

Mas’uuliyiinta Kooxaha waxaa loo bandhigay sidii iyaga oo kaashanaya taageerayaashooda ay gacan uga geysan karaan bixinta kaalmadaan, maadaama Cayaaraha ay kamid yihiin ilaha dhaqaalaha & meelaha lagu kasban karo dadka.

Shabakadda Eldesmarque ee kasoo baxda Magaalo Xeebeedka Valencia ee dhacda Koofur Bari Spain ayaa daabacday in kooxaha qaarkood oo heerar kala duwan ah ay aqbaleen taageerista howlgalka Midowga Yurub.

Magacyada kooxaha ballanqaadka sameeyay waxaa kamid ah: Valencia, CD Castellón , Elche CF, Hercules CF, Levante , iyo Villarreal CF, waxaana intaas dheer Xiriirka kubadda Cagta Valencia oo u ol-oleynaya taageeristaan.

Waaxda difaaca Spain ayaa soo dhaweysay, dhaqaalahaan oo sahlaya in qalab military lagu badalo si loo fududeeyo taageerada ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo meel wanaagsan maraya.

Sidoo kale, Kooxaha ayaa ku taageeray Qalab Cayaaro oo lagu tababarayo Cayaartoyda iyo Kooxaha kubadda Cagta Soomaaliya oo Fursad u noqoneysa in ay ka faaiideystaan Dhalinyarada.

Si gaar ah waxaa kaalmadaan uga faaiideysanaya Dhalinyarada iyo Dhallaanka oo ah Mustaqbalka waddanka, sidoo kale kaalmadaan waxaa fooqa sare kasoo galay Kooxaha Talyaaniga sida AC Milan & Juventus.

Midowga Yurub ayaa dhabbe wannaagsan oo waxqabad leh ku tilmaamay howsha dib loogu furay Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho oo ah marta kulmisa dhalinyarada, waana marinka ugu fudud ee is dhexgalka Bulshada.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More