Hogaamiye Farmaajo oo amrey calanka 3 maalmood

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay geeridii ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo caawa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Dowladda ayaa sheegtay in saddex maalmood oo baroor diiq ah la qaban doono isla markaana hoos loo dhigi doono calanka Soomaaliya si loogu baroordiiqo geeridii Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

“Waxaan hoos u dhigeynaa Calanka Jamhuuriyadda muddo seddex maalmood ah si aan u muujino sida aan uga xunnahay geerida Madaxweynihii hore, anaga oo magacaabeyna Guddi Aaska Qaranka, iyadoo lagu sharfayo waxqabadkiisa uu u hayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayuu yiri madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhanka kale, Raysul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Rooble ayaa sidoo kale magacaabay guddi ka kooban dowladda, baarlamaanka, xubnaha bulshada iyo qoyska marxuumka si ay uga shaqeeyaan aas qaran oo loo sameeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah

Xasan Xundubey Jimcaale, Guddoomiye Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), xubin Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin Xasan Xuseen Xaaji, Xubin Eng. C / laahi Abakar Xaaji (Carab), xubin Durraan Axmed Faarax, xubin Cumar Cali Rooble, Xubin Xafiiska. C / laahi Maxamed Nuur, Xildhibaan. Maxamed Axmed Abtidoon, Xubin Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gurey), Xubin

Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Hogaamiye Cali Mahdi miyuu ku dhintay Corona?

Pro Yahya Caamir oo ka mid ah dadka aadka ugu dhow madaxweynaha ayaa sheegay in Cali Mahdi afar maalmood ka hor loo duuliyey magaalada Nairobi ka dib markii ay xanuunsadeen isaga iyo xaaskiisa.

Afar ama shan maalmood ka hor isaga iyo xaaskiisa ayaa xanuunsaday, waxaa la geeyay isbitaal ku yaal magaalada Nairobi, markii hore waxaan ka shakinay inuu corona leeyahay laakiin dhaqtarka ayaa noo sheegay inuusan lahayn corona. ayuu yiri Yaxye Caamir.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay si aad ah u neefsaneysay dhaqtarkana uu qaboojiyay saacadihii la soo dhaafay.

Wuxuu sheegay in isbitaalka aan loogu talagalin bukaanada qaba cudurka coronavirus.

Yaxye ayaa sidoo kale sheegay in xaaskii Cali Mahdi ay wali isbitaalka ku jirto. Geerida Cali Mahdi waxaa ka tacsiyeeyay masuuliyiin hore iyo kuwa hada.

Hogaamiyayaasha ugu sareysa dowlada Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More