Guuleed oo Rooble ku wareejinaya Xilka Ra’iisul Wasaaraha. –

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ahaa Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa maanta Axad ah xilka ku wareejinaya Wasiirka 1-aad ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Dood ayaa ka taagneed cidda wareejineysa Xilka Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii Mahdi Maxamed Guuleed uu magacaabay Guddi Wasiirada ku simayaasha ah iyo Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda, halka Warqad dalab ah uu Rooble gaarsiiyay Xasan Cali Khayre.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa la isweydiinayay Ma Xasan Cali Khayre mise Mahdi Maxamed Guuleed qofka xilka ku wareejinaya Maxamed Xuseen Rooble si uu usoo u gada-galo dhismaha shaxdiisa Wasiirada.

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo kamid ah Xubnaha Guddiga ahna Sii hayaha Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha XFS ayaa qoraal ay soo dhigtay Barteeda Facebook ku xaqiijiyay in Mahdi Maxamed Guuleed uu Xilka Wareejinayo.

Khadiija oo xog ogaal ah, sidoo kala galaangal muuqda ku leh Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa warkaan ay soo dhigtay barteeda waxa ay si rasmi ah u sheegtay, waxaana qoraalkaaan uu u muuqdaa mid jawaab u ah doodda.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More