Golaha shacabka oo meelmariyay heshiiska Iskaashiga

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Heshiiska Iskaashiga Arrimaha waxbarashada ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga,waxaana codka haa ku ogolaatay 150-Xildhibaan oo ah tirada guud ee Xildhibaanadda kulanka maanta joogay kulanka golaha.

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa September 14, 2020, akhrinta 1-aad marsiiyey heshiiska waxbarasho ee dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Ujeedada heshiiska ayaa iskaashi labada dhinac iyo dejin heshiis iskaashi oo dhanka waxbarashada ah oo ku saleysan sinnaan, ka-wada faa’ideysi iyo wax is-dhaafsi.

Is-weydaarsi xog cilmi baaris, is-weydaaris khubaro iyo macalimiin, wadaagidda khibradda farsamada iyo xirfadaha, booqasho waxbarasho, is-weydaarsi tiknoolaji, iskaashi iyo is-dhaafsi qalab iyo agab waxbarasho, in ardeyda loo fidiyo martiqaad hawlaha indha indheynta, tartannada dhaqanka iyo dhaqanka.

Dhinacyada waxaa ay dhiirigeliyaan in lagu dhigo, lagana baro afafka Soomaaliga iyo Turkiga hey’adaha tacliinta sare ee labada dal.

Labada wasaaradood ayaa ku heshiiyay in hubiyaan taariikhda, juquraafiga, dhaqanka iyo hiddaha dalka kale loo soo bandhigo si sax ah.

In labada dhinac sanad walba, si iskumid ah u bixiyaan deeqo waxbarasho la xiriira luqadaha, tacliinta sare iyo cilmi baarista. Xulashada, aqbalaadda iyo meeleynta ardeyda tacliinta sare iyo cilmi baareyaasha waxaa lagu fulinayaa sharciyada qaran ee dalka deeqaha bixinaya.

Heshiiskaan ayaa dhigaya dhaqangelinta heshiiska waxaa loo xilsaaray wasaaraha waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan maanta goluhu meelmariyeen waxaa la dhameystiray, laguna saxiixay Muqdisho June 3, 2016-kii, waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Cabdisalaam Cumar oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda halka Turkigana uu u saxiixay Mevlut Cavusoglu oo ahaa isna wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More