Farmaajo ayaa caawa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, xagee ayuu aaday?

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo oo uu ka helay casuumaad madaxweyne Felix Tshisekedi.

Ilo ku dhow dhow Villa Somalia ayaa Axadle u sheegay in safarka Farmaajo uu la xiriiro wadahadallo la filayo inuu u bilowdo madaxda Soomaaliya iyo Kenya, maadaama labada dal ay si toos ah xiriirka ugu jareen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, haddana ah Madaxweynaha Midowga Afrika, ayaa casuumay Madaxweyne Farmaajo, waxaana la filayaa inuu toddobaadkan la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu waday inuu galabta ka ambabaxo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii uu dib u dhac ku yimid diyaaradii uu ka qaadi lahaa dalka Congo oo caawa soo gaadhay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu caawa u safri doono dalka Itoobiya marka uu u soo dhamaado safarkiisa Congo, halkaas oo uu kula kulmi doono saaxiibo dhow iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Farmaajo uu uga ambabaxo dalka tan iyo markii uu waqtigiisa dhammaaday 8-da Febraayo, iyadoo dhowaan lagu kordhiyay muddo labo sano ah, taasoo aan weli dhicin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More