RASMI: Chelsea vs Leicester City – Finalka FA Cup Oo La Go’aamiyey &

Kooxda kubadda cagta Leicester City ayaa ballan la samaysatay Chelsea oo ay wada ciyaari doonaan finalka FA Cup bisha dambe, kaddib markii ay kasoo kala adkaadeen Southampton iyo Manchester City oo ay kusoo dhaafeen semi-finalkii.

Leicester City ayaa markii ugu horreysay soo gaadhay finalka tartanka FA Cup oo ay ugu dambaysay sannadkii 1969kii, waxaana guushan u horseeday Kelechi Ihanacho oo gool madi ah oo uu dhaliyey uu kooxda ka saaciday in ay halkan yimaaddaan.

Chelsea ayaa Sabtidii 1-0 kaga soo badisay Manchester City, waxaana isla natiijadii oo kale kusoo guuleysatay Leicester City, iyadoo labada ciyaaroodna ka dhaceen isla garoonka Wembley oo lagu ciyaari doono finalka.

Xiddiga reer Nigeria ee Kelechi Iheanacho ayaa daqiiqaddii 15aad dhaliyey goolka madiga ah ee Leicester ay ku garaacday Southampton oo kubbad caaqiibo leh ka helay Jamie Vardy, laakiin Saints ayaa iyaguna ku dhowaaday in ay helaan goolka barbarraha kaddib markii uu laacibka Ibrahima Diallo uu toogasho awood badan ku qabtay balse ay goolka dhinac martay.

Kulankan oo ay garoonka fadhiyeen illaa 4,000 oo taageereyaal ah ayaa waxa uu noqday midkii ugu horreeyey ee loo ogolaaday jamaahiirta, iyadoo sidoo kale finalka EFL/Carabao Cup ee toddobaadka dambe ee Man City iyo Tottenham ay iman doonaan taageereyaal, ka hor inta aanay finalka FA Cup soo fadhiisanin tiro inta labadan kulan kasii badan.

Goorma ayaa la ciyaari doonaa finalka?

Finalka FA Cup ayaa la ciyaari doonaa 15ka bisha dambe ee May oo ku beegan maalin sabti ah, xilli ay saacaddu tahay 8:30pm.

Kooxahee ciyaaraya finalka FA Cup?

Chelsea iyo Leicester City ayaa markii ugu horreysay wada ciyaaraya finalka FA Cup.

Garoonkee lagu ciyaarayaa?

Garoonka qaranka ee Wembley ayaa caadiyan lagu ciyaaraa kulamada finalka FA Cup & EFL Cup, xilli ciyaareedkanna waxba kagama duwana kuwii ka horreeyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More