Burcad badeedda Soomaalida oo 5-sano ku afduubatay

Muddo shan sano ah kooxaha burcad badeedda Soomaalida waxaa gacantooda galay dad gaaraya 3600 ruux oo la socday maraakiib kala duwan oo qaarkood waday Kunteenaro ganacsi, Kalluumeysi, Doomaha dabayl ku socodka ah ee (Dhows) & Booyado Shidaal.

Dhammaan nuucdaan waa Maraakiibta & Doomaha ay qafaalatay Burcadda Soomaalida sida uu xaqiijiyay Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha oo la socotay howshaan muddada shanta sano ah ee afduubka uu dhacayay.

Saddex kamid ah Doomaha ka diiwaangashan Iiraan oo kalluumeysi ah ayaa lasii daayay, sidoo kale waxaa gacanta burcadda ka baxay Saddex ruux oo la shaqeynaysay FV Sijar oo laga afduubtay Magaalo Xeebeedka Hobyo Soomaaliya Bishii Maarso 2015-kii.

Muwaadiniinta Iiraan ayaa dib ugu laabanayo dalkooda marka ay maraan xaaladda baarista cudurka Covid-19, maadaama dalkaas uu kamid yahay waddamada uu saameynta taban ku yeeshay xannuunka.

Kooxaha Burcad badeedka Soomaallida ayaa dhaqaale ka helay afduubka dadka la socda Doomaha & Maraakiibta ganacsiga iyo Dalxiiska isugu jirta, waxaana hoos u dhacday sanadii lasoo dhaafay weerarada Badda ay ka geysanayaan.

Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha ee loosoo gaabiyo (IMB) ayaa soo dhaweeyay sii deynta Markabkii ugu dambeeyay iyo shaqaalaha la socday, balse walwal aan yareyn ayuu ka muujiyay feejignaan la’aanta heysata Maraakiibta Ganacsiga, maadaama halista burcadda wali raadkeedu muuqdo.

“Kooxaha Burcadda ee Soomaalida wali waa ay awoodaan in ay weerar geystaan, socdaalka biyaha Geeska Afrika waa in feejignaan laga muujiyo oo la iska ilaaliyo, sanadkii lasoo dhaafay wax weerar ah kama dhicin iyo lexda bilood ee ugu horeyso sanadkaan 2020” Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Caalamiga ee Badaha.

Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan Maraakiib, Diyaarado Dagaal iyo Askar aan lahayn inta ay gaarsiisan yihiin oo dhammaan Dowladahooda & Ururada ay ku mideysan yihiin ku sheegeen in ay u joogaan ilaalinta nabadgalyada safarka badda.

Isha:  Defence web  /  Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More