Boqortooyada Ingiriiska oo shaacisay qorshaha caalamiga ee Soomaaliya – Axadle

London (Axadle) – Dowladda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay beesha caalamka kala shaqeyneyso qorshe mideysan oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kadib markii loo kordhiyay waqtiga baarlamaanka iyo Farmaajo.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Britain James Duddridge ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu ku kordhiyay mudada Farmaajo labo sano.

Duddridge ayaa ku tilmaamay go’aanka mid aan kaliya xal u aheyn ismariwaaga habsami u socodka doorashada laakiin sidoo kale wuxuu wiiqayaa kalsoonida madaxda Soomaaliya wuxuuna khatar ku yahay amniga iyo mustaqbalka dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay inay dhowr jeer ku celceliyeen inay ka soo horjeedaan dhamaan soo jeedimaha keenaya isbarbar yaaca, doorashooyinka hal dhinac ah iyo kordhinta waqtiyadii hore.

“Waxaan ka codsaneynaa madaxda Soomaalida inay ka waantoobaan ficillada keli ah, taasoo sii xumeyn karta xiisadaha siyaasadeed ama rabshadaha. Waxaa muhiim ah in dhammaan dhinacyada Soomaalida ay isdajiyaan oo ay ilaaliyaan nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayuu yiri Duddridge.

“Haddii aan la helin heshiis horseedi kara doorasho loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo iyadoo aan dib loo dhigin, xiriirka bulshada caalamka iyo hoggaanka Soomaaliya wuu is-beddelayaa,” ayuu yiri Duddridge.

“Boqortooyada Midowday waxay la shaqeyn doontaa saaxiibada caalamka sidii dib loogu qiimeyn lahaa xiriirkeena iyo taageerada aan siino Soomaaliya.”

Duddridge wuxuu sheegay in wadahadalada si hufan u dhexmara hogaamiyaasha Soomaalida ay diyaar u yihiin in la hubiyo in dhaqan galinta heshiiska uu dhici doono 17-ka bisha Sebtember ee geedi socodka doorashada, heshiiska oo ah aasaaska kaliya ee sharci ee lagu gaari karo doorasho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More