2021 Musharaxiinta Hogaamiyaha & Siciid Deni on

Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2021 si ay ula kulmaan Saciid Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash.

Xubnaha musharixiinta ah ee maanta soo gaaraya magaalada Garowe ayaa madaxweyne Deni la wadaagi doona walaacooda ku aadan khilaafka doorashada, gaar ahaan diidmada musharixiinta iyo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Waxa kale oo ay ka wada hadlayaan sidii loo sii amba qaadi lahaa doorashooyinka dadban iyaga oo dejinaya jadwal cusub oo doorashada ah, oo bilaabmi doonta maalmaha soo socda.

Musharaxiinta & Saraakiisha Puntland ayaa dejinaya qorshe siyaasadeed oo wax looga qabanayo xaalada kacsan ee ku xeeran doorashada 20/21, sida uu sheegay Axadle.

Shirka hordhaca ah ayaa hadii uu guuleysto waxaa ku wehlinaya Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo xubno kale oo ka mid ah Musharaxiinta qorshe cusub.

Bartamihii bishii Diseembar ee sanadkii 2020, kullan saacado qaatay oo u dhaxeeyey raiisul wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, wasiirkiisa arimaha dibada, madaxweynaha Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash ayaa kusoo dhamaaday guuldaro.

Haddaba, muxuu xiriirika ka dhexeeya musharrixiinta iyo hoggaamiyaasha dowlad-gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland uu ka beddeli karaa caqabadda ka taagan doorashooyinka?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More