Arsenal Oo Guul-darro U Xambaarisay Chelsea, Fursad na Siisay West Ham
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul-darro xanuun badan kala kulantay Arsenal oo marti u ahayd, waxaanay iska lumisay fursad ay ku xaqiijisan lahaayeen booskooda tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.
- Advertisement -
Gool madi ah oo qaybtii hore ku yimid qaladka Jorginho iyo goolhaye Kepa Arrizabalaga oo is-fahmi waayey ayaa waxay Arsenal ku heshay saddex dhibcood oo ay sare ugu soo dallacday kaalinta siddeedaad ee horyaalka Premier League.
Kubbad uu Jorginho doonayay in uu u celiyo goolhayaha ayaa waxay ku dhowaatay in ay goolka oo madhan iska gasho iyadoo Kepa uu meel ka baxsan goolka ku sugayay baaska Jorginho, waxaase uu goolhayaha reer Spain ku guuleystay in uu si dirqi ah kubadda kaga saaro goolkiisa, waxaase ay u tagtay Aubameyang oo isaguna kubadda usii dhiibay Smith Rowe oo goolka oo madhan ku kubsaday.
Chelsea ayaa heshay fursado badan qaybtii hore ee ciyaarta, waxaanu goolhaye Bernd Leno kubbado halis ahaa ka diiday Ben Chilwell iyo Kai Havertz.
Qaybtii dambe ayay Chelsea si aad ah u shaqaysay, waxaanay dhaliyeen gool uu shabaqa Arsenal ku hubsaday Christian Pulisic, laakiin VAR oo looga soo daawaday ay meesha ka saartay, kaddib markii lasoo xaqiijiyey in uu ku jiray Offside ka hor intii aanay kubaddu soo gaadhin.
Dhamaadkii ciyaarta ayay Chelsea laba jeer garaacday birta Arsenal, waxaanay madax uu Kurt Zuma ku qabtay sii dallacay Leno, waxayse kusoo dhacday birta. Olivier Giroud oo ku celiyey ayaa isna kasoo jaray birta.
Blues ayaa sidoo kale heshay fursado, gaar ahaan mid uu Christian Pulisic ka helay xerada ganaaxa dhexdeeda oo uu goolhaye Leno oo badhtanka garoonka taagan u dhiibay.
Guul-darradan ayaa waxay Chelsea uga dhigan tahay in ay kusii jirayso kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, waxaanay laba dhibcood ka dambaysaa Leicester Metropolis oo saddexaad gashay xalay.
Waxa kale oo ay guul-darradani fursad u tahay West Ham iyo Liverpool oo kusoo dhowaan doona Chelsea haddii ay soo badiyaan kulamadooda toddobaadkan.
West Ham oo haysata 58 dhibcood ayaa waxay saddex dhibcood u jirsan doontaa Chelsea, halka Liverpool oo laba ciyaarood gacanta ugu jiraan ay kaliya hal dhibic u jirsan karto Chelsea haddii ay soo badiso.
Dhinaca kale, guul-darradan ayaa Chelsea u timid waqti ay isku diyaarinayaan finalka FA Cup oo ay Sabtida la ciyaari doonto Leicester Metropolis, taas oo sidoo kale ay ku ballansan yihiin kulanka ugu dambeeya horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka.