“Anigoo Dhaawacan Baan Ciyaaray….Mucjiso Ayay Ahayd” Kevin de Bruyne
Kevin De Bruyne ayaa sheegay in isaga oo dhaawac ah oo xanuun ka dareemaya kuraanta uu ciyaarayay kulankii xulka dalkiisa Belgium uu kaga hadhay tartanka qaramada Yurub ee Talyaanigu ku garaacay 2-1.
- Advertisement -
Laba gool oo qurux badnaa oo qaybtii hore ay Talyaaniga u dhaliyeen Nicolo Barella iyo Lorenzo Insigne ayaa Talyaaniga ugu filnaaday inay iska xaadiriyaan afar dhamaadka Euro, halka Belgium oo ka mid ahayd dalalkii koobka loo saadaalinayay ay hal gool oo rikoodhe ah oo samirsiis ah ay ka heshay ciyaarta, kana hadhay tartanka.
Kevin De Bruyne oo dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Portugal, ayaa la filayay in uu seego kulankan, hase yeeshee si lama filaan ah ayaa uu uga mid noqday ciyaartoydii safka hore ee kusoo bilaabatay ciyaarta.
Markii ay dhamaatay ciyaartu ayuu warbaahinta la hadlay, waxaanu qiray in isaga oo aan taam ahayn oo dhaawac ah, xanuunna dareemaya uu uu ciyaaray, waxaanu yidhi: “Aniga shaqsiyan waxay ii ahayd afar ama shan toddobaad oo xun. Laakiin waxa aan u mahad-celinayaa dhakhaatiirta.
“Mucjiso ayay ahayd in aan ciyaaray maanta (xalay), sababtoo ah waxa aan ka dhaawacnaa jilibka, laakiin waxa aan dareemay in masuuliyad iga saaran tahay waddankayga. Aad ayaan uga xumahay in aanan u qaban kari waayey wax intaa ka badan.”
Kevin De Bruyne waxa uu ku dooday in wax kasta ay isku dayeen si ay u guuleystaan, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in aanu wax walba samaynay si aanu u guuleysano ciyaarta.
“Waxay naga dhaliyeen gool cajiib ah, laakiin midka hore waxa uu ahaa qalad aanu annagu qayb ka ahayn. Way naga kubbad haysasho badnaayeen, kubadduna noomay soconayn annaga. In tartanka la naga reebay mar walba niyad-jab ayay nagu tahay.”