Abramovich Oo Qalinka Ku Duugay 200 Milyan Oo Chelsea Ay Seddex Xiddig

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa la siin doonaa lacag gaareysa 200 milyan ginni uu qarashgareeyo xagaagan iyadoo macalinka reer Jarmal uu ugu yaraan doonayo inuu lacagtaas ku soo xerogeliyo seddex laacib oo aan kala dhicin.

- Advertisement -

Tuchel ayaa Chelsea ku hogaamiyay koobka Champions League Sabtidii iyagoo 1-0 kaga badiyay Manchester City finalkii ka dhacay magaalada Porto, taasoo keentay in qandaraaskiisa uu kordho madaama uu dhici lahaa xagaaga danbe.

Chelsea ayaa qarashgareysay 220 milyan ginni xagaagii la soo dhaafay, laakiin Abramovich ayaa haatan arka fursad uu Chelsea kaga sii dhigi karo mid xoogan ka dib guushoodii Champions League, iyadoo tababare Ruchel uu ugu yaraan doonayo labo ama seddex xiddig uu ugu tartamo hanashada koobka horyaalka.

Sida ay sheegtay jariirada Telegraph, weeraryahankoodii hore Romelu Lukaku ayaa diirada u saaran Chelsea iyagoo doonaya inay ka faa;ideystaan xaalada dhaqaale xumo ee Inter Milan.

Lukaku ayaa heshiis 74 milyan ginni ah wuxuu ugu wareegay kooxda Talyaaniga isagoo sannadkii 2019 ka tagay Manchester United, laakiin qiimihiisa ayaa sarre u kacay labadii sannadood ee ugu danbeysay.

Tuchel ayaa sidoo kale doonaya xiddig khadka dhexe iyadoo tababaraha Chelsea uu haatan diirada saarayo xiddig muddo dheer ay dooneysay kooxda oo ah laacibka West Ham Declan Rice.

Xiisaha xiddiga Ingariiska ee Chelsea ayaa u muuqday mid baaba’ay markii uu Lampard kooxda ka tagay laakiin Tuchel ayaa la dhacay qaab ciyaareedka xiddigaan khadka dhexe.

West Ham ayaase ku qiimeyneysa Rice lacag gaareysa 100 milyan ginni, iyagoo sidoo kalena ka caga jiidaya inay iska iibiyaan xiddigooda ugu qaalisan.

Xiddig kale oo si lama filaan ah uga soo muuqday liiska Thomas Tuchel waa xiddiga garabka uga ciyaara Wolves ee Traore. Xiddiga reer Spain ayaa diirada u saarnaa Antonio Conte xagaagii 2017 laakiin Tuchel ayaa doonaya inuu garabka midig tartan ku geliyo Reece James, wuxuuna dareensan yahay in orodka iyo xooga Adama Traore uu muhiim u yahay booskaas.

Ma cadda qiimaha ay Wolves ku dooneyso xiddigaan laakiin haddii la waayo waxay Chelsea bedelkiisa dooneysaa xiddiga kooxda Borussia Monchengladbach oo lagu magacaabo Jonas Hofmann.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More