Tababaraha Xulka Qaranka England Oo La Ogaaday Inuu Ku

Tababaraha xulka qaranka England ayaa la sheegay in bishii hore uu ku dhacay xanuunka Korona Fayras, isla markaana ay ka muuqdeen astaamaha lagu garto, balse haddana aan loo sheegin ciyaartoyda xulka qarankan.

50 jirkan ayaa toban maalmood ku jiray karantiil shaqsi ah, waxaana kaliya xaaladdiisa la socday xidhiidhka kubadda cagta.

Sida la fahamsan yahay, tababaraha ayaa dib ugu soo laabtay shaqada markii ay ka baaba’een calaamadaha xanuunka, isla markaana uu dhamaystay waqtigii caadiga ahaa ee loogu talo-galay inuu karantiilka ku jiro.

Gareth Southgate oo hore ugu ciyaari jiray kooxaha Aston Villa iyo Crystal Palace isla markaana tababaraha xulka qaranka loo magacaabay sannadkii 2016kii ayaa waxa uu hoggaamiyey Koobkii Adduunka 2018kii oo ay ku dhamaysteen kaalinta afraad, halka uu Belgium ku garaacay kaalinta saddexaad.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, Gareth Southgate ayaa uu xanuunkan dunida aafeeyey ku dhacay, isla markaana galay karantiil oo muddo xaalkiisa dusha lagala socday, sida ay ilo lagu kalsoon yahay oo is qariyey xaqiijiyeen.

Laakiin dhibaatada jirtay ayaa waxay ahayd in ciyaartoyda aan lala socodsiinin arrintan oo aanay waxba ka ogeyn.

Inkasta oo laga yaabo in waqtiga uu xanuunsanayay ay ciyaartoydu fasax ka ahaayeen shaqada qaranka, haddana la isweydiinayaa sababta keentay in la qariyo xanuunkiisa.

Si kastaba, caawa ayuu xulka qaranka England la ciyaari doonaa waddanka Belgium oo uu marti u yahay, waxaana la eegi doonaa natiijada ay ka keenaan iyo haddii ay mar kale ku celin karaan guushii ay kasoo gaadheen kulankoodii hore ee garoonka Wembley.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More