Al-Shabaab oo sheegtay in ay qabsatay Deegaan u dhaxeeya
Sida ay daabacday Warbaahinta Al-Shabaab, xooggag katirsan Shabaab ayaa qabsaday Deegaanka Ceel Dheere oo u dhaxeeya Degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Warka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay fiidkii Al-Shabaab si buuxda ay u qabsadeen gacan ku heynta Deegaankaan oo aan sidaas uga fogeyn Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug.
Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in bilaa dagaal ay qabsatay, kadib markii ciidamada DG Galmudug ay isaga baxeen deegaankaan u dhaxeeya Degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku dhigtay deegaanno dhowr ah oo todobaadyadii lasoo dhaafay u duulaan tageen Ciidamada Militariga Soomaaliya & Askarta Galmudug gacantooda dib ugu laabatay.
DG Galmudug wali war kama soosaarin sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay gacanta ku dhigtay deegaanka Ceel dheere ee Gobolka Galgaduud, kadib markii ciidamada maamulkaas ay isaga baxeen.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa maalmo kahor sheegay in deegaanno 50 KM u jira Dhuusamareeb in ay tageen, howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu gaarayo meelaha ay ka joogaan Galgaduud.
Deegaanka Ceel dheere ayaa udhaxeeya Guriceel iyo Dhuusamareeb waxaana dhaxmarta wadada laamiga ah ee gobollada dhexe iyo dalka intiisa kale isku xirta, waana u muhiim isu socodka Gaadiidka.
La soco wixii kasoo kordha
Axadle.