Micnaha Ka Danbeeya Dabaaldega Xarafka ‘A’ Ee Xiddigaha
James Maddison ayaa kashifay in dabaaldega xarafaka ‘A’ ee ay sameeyeen ciyaartoyda kubada cagta ka dib marka ay gooldhaliyaan xilli ciyaareedkan inay tahay mid lagu maamusayo group qarsoon oo WhatsApp ah oo ka dhaxeeya ciyaartoyda.
Xiddiga khadka dhexe ee Leicester City iyo xiddigaha sida Ben Chilwell, Jack Grealish iyo Ross Barkley ayaa dhamaantood sameeyay dabaadega xarafka ‘A’ ee ay ku sameeyaan faraha markii ay goolal u dhaliyeen kooxahooda Premier League xilli ciyaareedkan.
Haatan, xiddiga Ingariiska Maddison ayaa u sheegay EA Sports in ciyaartoydaas iyo sidoo kale xiddiga Tottenham Dele Alli iyo xiddiga Aston Villa John McGinn inay dhamaantood kuwada jiraan group WhatsApp ah oo lagu magacaabo ‘The Avengers’.
“Waxaan leenahay group yar oo lagu magacaabo The Avengers” ayuu Maddison ku qirtay wareysiga uu bixiyay.
“Waxaa group-ka WhatsApp ku jira Jack Grealish, Ross Barkley, Dele Alli iyo John McGinn”
Bishii hore ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in dabaaldega ciyaartoydaan ay tahay mid lagu maamusayo taageerihii Chelsea Andrew Wood oo geeriyooday horaantii bishii October laakiin haatan taasi waa ay beenowday.
Kubadsameeyaha Leicester City ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka dhow ee saaxiibtinimo ee kala dhaxeeya Ben Chilwell kaasoo u wareegay Chelsea xagaagii.
“Sida iska cad, wuxuu ahaa saaxiibkeyga ugu fiican ee halkaan isaga ayaa igu soo dhaweeyay kooxda, waxaan ku garanayay xulka England ee da’dooda ka hooseyso 21 jirada” ayuu yiri Maddison.
Maddison ayaa dhaliyay seddex gool 11 kulan uu u saftay kooxda hogaamineysa Premier League xilli ciyaareedkan.