Liverpool Oo Heshay Daafaca Xalinaya Dhibkeeda Dhaawacyada,
Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.
Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.
Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.
Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay saaka oo Jimcaale ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.
Arsenal, Chelsea iyo Tottenham ayaa dhamaantood xiisaynaya 32 sano jirka daafaca dhexe ee Bayern Munich ee Jerome Boateng, heshiiska Boateng ayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan dhacaya iyadoo aysan Bayern heshiis kordhin u samaynayn. (Bild, via Sun)
Wolves ayaa ka cadhaysan in xiddiga kooxdeeda ee Adama Traore uusan heshiis kordhin samaynayn, 24 sano jirkaas ayaa toddobaadkii hore asaasiyaadka heshiiska la gaadhay kooxda balse aan wali kordhin. (90min)
Chelsea ayaa dalab kale u gudbin doonta West Ham United suuqa January waxaana ay iibin doonaan laba xiddig oo kooxdeeda waaweyn ah si ay lacag ugu helaan saxeexa Declan Rice. (Football Insider)
Manchester United ayaa dalab afka ah oo Cristiano Ronaldo ah u gudbisay wakiilkiisa Jorge Mendes, Juventus ayaa rajaynaysa inay fasixi doonto 35 sano jirkaas haddii aysan Champions League ku guuleysan. (Record, via Sport Witness)
Laakiin wargeyska AS ayaa sheegaya in Ronaldo uusan lahayn wax qorshe ah oo uu kaga baxayo Juventus isagoo doonaya inuu dhammaysto heshiiskiisa ilaa 2022. (AS)
Inter Milan ayaa isku dayi doonta inay suuqa January la saxeexan doonto 34 sano jirka weerarka ee Chelsea iyo France ee Olivier Giroud. (Calciomercato – in Italian)
Liverpool ayaa tixgelinaysa inay heshiis mudo gaaban ah kula soo saxeexato daafaca ree Netherlands ahna xiddigii Watford laga fasaxay ee Daryl Janmaat si ay dhibkooda daafaca ugu xaliyaan maadaama ay dhaawacyo hadheeyeen. (Teamtalk)
Dhinaca kale kooxda difaacanaysa Premier League ayaa halka ugu sarreysa liiska daafacyada ay doonayso gelisay Dayot Upamecano oo ah 22 sano jirka RB Leipzig iyo France. (The Athletic – subscription required)
Arsenal ayaa war wanaagsan ka heshay xiisaha ay u muujinayso Dominik Szoboszlai oo RB Salzburg ka tirsan kaddib markii uu wakiilka 20 sano jirka ree Hungry sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya inuu RB Leipzig ku biirayo. (Mirror)
Xiddigii hore ee Tottenham ee Christian Eriksen ayaa sheegay in xaaladiisa Inter Milan ee imiku aysan ahayn wixii uu ku riyoonayay xilli durtaba bixitaan lala xidhiidhinayo. (TV2, via Goal)