Iiraan oo Biyaha u dhaxeeya Yemen & Soomaaliya si joogta ah

Dowladda Yemen ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay doon kalluumeysi oo laga leeyahay Dalka Iiraan, kadib markii si sharci darro ah ay u gashay biyaha waddankooda, sidaas awgeed gacanta loogu dhigay.

Sii hayaha Wasiirka Kalluumeysiga Yemen Fahad Kafaayin, waxa uu tilmaamay in Doomaha kalluumeysiga Iiraan dhibaato xooggan ay ka geystaan Biyaha dalkooda oo marar kala duwan Kalluumeysi sharci darro ah ka sameeyeen.

Wasiir Kafaayin ayaa tilmaamay in doonta lagu qabtay Xeebta Gobolka Mahra ee dhaca Koonfur-bari, waxaana uu intaa raaciyay in daraasiin Doomo iyo kalluumeysato la socota in Xukuumadda Tehran ay u dirtay Biyaha u dhaxeeya Yemen & Soomaaliya.

Golaha Wasiirada Yemen oo dhageystay warbixin la xiriirta heerka kalluumeysiga sharci darrada ah & caqabadaha heysta ganacsatada kalluunka dalkaas ayaa go’aamiyay in gacanta lagu soo dhigo burcadda guraneysa khayraatka.

Mucammar Eryaani, Wasiirka Warfaafinta Yemen ayaa sheegay in uu dabagal ku sameeyay Warbixin uu daabacay bogga Global Fishing Watch (GFW) oo uu diiradda ku saaray kalluumeysiga sharci darrada ah.

Al-Eryaani ayaa sheegay in xogta la hayo in ay muujineyso 192-Doomo & Maraakiib Kalluumeysi oo laga heelay dalka Iiraan, isla markaana aan heysan ruqsad kalluumeysi in ay ka jilaabtaan waqooyiga-galbeed ee Badweynta Hindiya ee xeebaha Soomaaliya & Yemen.

144 markab ayaa lagu arkay biyaha badda Yemen & Soomaaliya u dhaxeeya gaar ahaan dhanka Jasiiradda Soqotra, falalka ugu badan ee kalluumeysiga sharci darrada ah ayaa dhacay 2019-kii ilaa 2020.

Isha:   Yemen akhbar / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More