Hogaamiye Farmaajo oo sheegay in dalka uu galay doorashada
Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay howlaha geedi socodka dalka ayaa dib ugu laabtay shirarkii & wada-xaajoodkii siyaasadeed ee lagu jaangooyay doorashada Dalka 20/21.
Hogaamiye Farmaajo ayaa bogaadiyay doorka labada aqal BFS uu ka qaatay meel-marinta heshiis siyaasadeedka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir oo 26-kii September 2020 codka kalsoonida ku taageeray.
“Heshiiskan la saxiixay waxa uu caddeyn buuxda u yahay sida ay uga go’an tahay sii amba-qadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo qabsoomidda doorasho saldhigeedu yahay Heshiiskii Muqdisho ay ku gaareen Hogaamiyayaasha Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed 17-kii Sebteemar 2020” Sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Qoraalka ayaa intaas lagu daray “Waxa aan dalka u jihaynay doorasho. Laga soo bilaabo 1-dii Oktoobar 2020 oo aan la saxiixanay Hogaamiyayaasha Dowladda Goboleedyada dalka Heshiiskii Habraacyada doorashooyinka, waxa aan qaadnay tallaabooyinka Heer Federaal ee ku aaddan qabsoomidda doorashada iyo dhaqan gelinta dhammaan qodobbada ku jira Heshiiska Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Baarlamaanka Federaalka”.
Ugu dambeyntii, Hogaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda dardargelinta doorkeeda ku aaddan fududeynta qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiska uu ansixiyay BFS.
Hogaamiyayaasha DFS & DG ayaa jadwal u dejiyay habraaca doorashada 20/21, inkasta oo hakad uu galay dhaqangalkiisa, waxaana sabab looga dhigay magacaabista & soo gudbinta Guddiyada labada dhinac oo waqti ahaan dib u dhacay.
Axadle