Çavuşoğlu: Armenia Cawaaqib Xumo ayey la kulmi doontaa hadii ay jebiso heshiiskii nabada
Armenia waxay la kulmi doonta cawaaqib xumo hadii aysan u hogaansamin shuruudaha xabad joojinta, Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay Khamiistii.
Isaga oo cadeeyay in raiisel wasaaraha Armenia Nikol Pashinian uu saxiixay heshiiska, Çavuşoğlu ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Magaladda Baku. Heshiiskan la saxiixay waa in loo hogaasama isla markaana Armenia ay la kulmi doonta cawaaqib xun hadii ay jabiso heshiiska.
“Azerbaijan waxay taageersan tahay in xal nabadeed la helo laakiin hadii Armenia ku adkeysato in ay jabineyso heshiiska markaa waa in ay qaadataa masuuliyadda cawaaqibkeeda,” ayuu yiri, isagoo xusay in xaqiiqda ah in xukumadda Baku saxiixday heshiiska inkasta oo guulo militari oo ay ka gaareen dhulka ay caddeysay in Azerbaijan waxaa ay taageersan tahay nabadda iyo inay kaliya rabto inay dib u qabsato dhulkeeda ay hore loga qabsadey.
Turkiga iyo Ruushka ayaa isku fahmay si loo go’aamiyo ku xadgudubka heshiiska nabadeed ee Azerbaijan iyo Armenia ee Nagorno-Karabakh, ayuu yiri Wasiirka arrimha dibadda Çavuşoğlu.
Çavuşoğlu wuxuu sheegay in Ankara iyo Moscow ay dhawaan ka wada hadli doonaan faahfaahinta xarunta kormeerka ee la dhisi doono si loola socdo xadgudubyada xabad joojinta ee Heshiska Nagorno-Karabakh. Wuxuu xusay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (UAVs) iyo diyaaradaha ay wadaan duulliyayaasha ah ay fulin doonaan howgallo kormeer ah oo ku saabsan aagga si loo hubiyo inaysan jirin wax xadgudub ah.
“Waxaan garab istaagi doonnaa Azerbaijan oo aan taageeri doonnaa si kasta oo ay noo jecelyihiin” ayuu yiri Çavuşoğlu.
Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sidoo kale xusay in Turkiga uu rajeynayo in Armenia ay ka baratay casharkeeda ah in aan la weerarin dhulka dalalka kale.
Saddexda Minsk waxay kaloo u baahan yihiin inay cashar ka bartaan howshan, ”ayuu raaciyay.
Isaga oo ku dhaleeceynaya Faransiiska in ay dhinac la safteen intii uu socday dagaalka, Çavuşoğlu waxa uu sheegay in Paris ay muujisay sababta ay sii wada-jir ay u awoodi waayeen inay xalliyaan iskahorimaadka muddada saddexda sano ah socday.
“Fransisku ma uu soo bandhigin ujeedo, isku dheelitiran. In kasta oo mawqifka wanaagsan ee Azerbaijan, Fransisku marwalba wuxuu sii waday taageerida Armenia waxayna sii wadaa joogteynta mowqifkeeda xun kadib xabad joojinta,” ayuu yiri.
Xiriirka u dhexeeya Armenia iyo Azerbaijan ayaa xumaa tan iyo 1991 markii militariga Armenia qabsadeen Nagorno-Karabakh, oo ah dhul caalamku u aqoonsan yahay inuu ka mid yahay Azerbaijan.
Iska hor imaadyo cusub ayaa qarxay Sebtember 27, Ciidanka Armenia wuxuu sii waday weerarada uu ku hayo dadka rayidka ah iyo ciidamada Azerbaijan, xitaa wuxuu jabiyay heshiisyada xabad joojinta bani’aadamnimada, muddo 44 maalmood ah.
Xukumadda Baku waxay ka xoreysay magaalooyin dhowr ah iyo ku dhowaad 300 oo ka mid ah degmooyinkeedii iyo tuulooyinkeedii gumeystihii Armenia muddadaas ay haysteen.
Bishii Nofeembar 10, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis ay garwadeen ka ahayd Ruushka oo lagu joojinayo dagaalka isla markaana looga wada hadlayo sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka.
Turkiga ayaa soo dhoweeyay xabbad joojinta, taas oo ka dhalatay guulaha milateri ee Baku waxayna siisay gacan sarre Yorevan si loo xalliyo muranka saddexda sano ah soo socdey.
Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group