Kumaan Ahay? Qur’aan Ayaan Akhristaa Kulan Walba Ka Hor,

Haddii aad sheegtay inuu xiddigaan yahay Mesut Ozil waad ku saxan tahay.

Xiddiga asalkiisa Turkiga yahay balse u dhashay dalka Jarmalka Mesut Ozil waa xiddig Muslim ah iyadoo aabihiis Mustafa uu Jarmalka tagay isagoo labo sanno jir ah.

Ozil oo haatan ka maqan garoomada ka dib markii ay Arsenal ka reebtay liiska xiddigaha Premier League iyo Europa League ayaa xaqiijiyay sannadkii la soo dhaafay in mar walba uu garoonka soo galayo inuu akhristo aayado Qur’aan ah.

Wareysi uu siiyay jariirada Daily Star ayuu Ozil ku yiri: “Waxaan akhristaa Quran ka hor inta aan garoonka gelin. Tani waxay iga caawisaa inay iga dhigto mid diirada saara shaqada u taala.

“Waan duceystaa, asxaabteyda kooxda waa ay ogyihiin inaysan ila hadli karin marka aan Quran akhrisanayo.”

Ozil wuxuu mushahar ahaan Arsenal uga qaataa 350 kun ginni isbuucii laakiin waa xiddiga ugu saqada badan kubada cagta.

Xiddiga Jarmalka wuxuu had iyo jeer ka shaqeeyaa quudinta caruurta gaajoon ee wadamada Muslimka iyo kuwa gaalada ahba.

Wakiilkiisa Dr Erkut Sogut ayaa shaaca ka qaaday sannadkii hore waxyaabaha uu qabtay xiddiga Jarmalka

wuxuu bixiyay lacagta ku baxday qaliin lagu sameeyay KUN caruur ahwuxuu quudiyay 100 kun qof oo ku nool 16 xeryo qaxooti oo ku yaala Turkiga iyo Siiriya.wuxuu bixiyay 240 kun ginni oo lagu daweeyay caruur ku xanuunsan Brazilwuxuu caawiyaa hay’ada caawisa caruurta ee Rays of Sunshine

Maalintii uu guursanayay xaaskiisa Amine Gulse, Ozil wuxuu balanqaaday inuu bixin doono lacagta ku baxeysa qaliinka kun caruur ah oo dunida daafaheeda ku nool.

Markii lagu wargeliyay lacagta ku baxeysa inay tahay mid aad u badan, Ozil ayaa yiri: “Haddii aan sadaqeysan lacagteda, goorma ayaan bixinayaa? Yaanse la siinayaa?’

Wuxuu dhawaan balanqaaday inuu bixinayo nin oday ah oo mushahar ka qaadanayay Arsenal muddo dheer oo ahaa ninka xiranayay calaamada kooxda kaasoo ay kooxda u ceyrisay inay dhaqaale darro jirto darteed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More