Muxuu Ahaa Hadalka Aan Looga Baran Pep Guardiola Ee Uu Sida

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayuu kasoo yeedhay xalay hadal lama filaan ah oo ahaa inuu ku faraxsan yahay waxqabadka kooxdiisa ee ilaa haatan xilli ciyaareedkan kaddib bar-bardhac 1-1 ah oo ay lasoo galeen Liverpool ee Etihad Stadium ugu timid.

Mohamed Salah ayaa gool rigoore ah hoggaanka ugu dhiibay kooxda difaacanaysa Premier League balse waxa kansalay Gabriel Jesus.

Kevin De Bruyne ayaa rigoore lagu abaalmariyay kooxiisa Man City qasaariyay taas oo ka dhigan inay dhibcaha la wadaageen Reds iyagoo 12 dhibcood ilaa hadda ka helay Premier League meel ay ugu badnaan 24 dhibcood ka heli karayeen.

Walow ay booska 10-aad ka joogaan miiska kala sarrenyta ee horyaalka haddana Guardiola ayaa si lama filaan ah u sheegay inuu aad u faraxsan yahay sababtoo ah inay 12 kulan oo tartamada oo dhan ah kaliya hal kulan guuldarro la kulmeen.

Pep oo kulanka kaddib la weydiiyay haddiiba uu farxad dareemayo ayaa ku jawaabay “Aad ayaan u faraxsanahay, malaha waxaan u faraxsanahay si aanan abid u farxin”

“12 kulan gudahood waxaanu guuldarraysanay kaliya hal kulan sababtoo ah (Kulankii Leicester City) waxaanu galnay saddex rigoore”

“Wali waxba maanu baran, waxaan rajaynayaa inay noqon doonto markii ugu dambaysay ee aanu kooxda naga soo horjeeda rigoore sidan oo kale ah siino, laakiin (Waan faraxsanahay) in badan, xaalada maalin kasta ciyaartoyda ayaan ku arkaa qolka labiska, waa taas sababtu”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More