WAA IIB – Juventus Oo Iibinaysa Cristiano Ronaldo & Sababta
Kooxda ree Talyaani ee Juventus ayaa lagu soo warramayaa inay iska iibin doonto weeraryahanka kooxdeeda ee Cristiano Ronaldo kahor inta uusan heshiiskiisu dhicin.
Wararka haatan la helayo ayaa ah kuwo xusaya in Bianconeri ay u doonayaan inay Ronaldo iibiyaan sababo la xidhiidha dhaqaale xumo soo wajahday oo uu ku keenay xanuunka saf-marka ah ee Korona Fayras.
Ronaldo ayaa toddobaadkii Juventus ka qaata mushahar dhan 540 kun oo Pound oo ah ku dhawaad afar jibaarka xiddiga ugu soo dhaw oo ah Matthijs De Ligt.
Heshiiska Cristiano Ronaldo ee Allianz Stadium ayaa ah mid dhacaya gudaha sanadka 2022 waxaana ay Juve ka cabsi qabtaa inay qaab bilaash ah ku weydo.
Warbixintan oo ah mid laga helayo wargeyska Sport ayaa sheegaysa inay wax adag tahay in Juventus ay heshiis cusub oo dhaqaale ahaan ka balaadhan midkiisa haatan ka saxeexato Ronaldo.
Juventus ayaa ku rajo weyn inay iibka Ronaldo dib uga heli karto lacagtii 99-ka Milyan ee Pound ahayd ee ay kasoo bixisay markii ay Real Madrid kala soo wareegaysay sanadkii 2018.
Juventus ayaa ula soo saxeexatay Ronaldo inuu ka caawiyo hanashada Champions League oo ay ka raageen balse madaxda kooxdaas ayaan ku faraxsanayn inay ku hadheen wareegyada 16-ka iyo siddeed dhammaadka laba xilli ciyaareed oo uu la dhammaystay.
Ugu dambayn, CR7 ayaa 71 gool ugu soo dhaliyay Juventus 94 kulan oo uu usoo ciyaaray waxaana kamid ah lix gool oo uu kusoo dhaliyay afar kulan Serie A oo uu xilli ciyaareedkan ciyaaray.