Qiimaynta Ciyaaryahanadda Kulankii Burnley & Chelsea – Xiddigii

Chelsea ayaa kulankii afraad oo xidhiidh ah shabaqeeda ilaashatay, waxaanay ku darsatay guul 3-0 ah oo ay ka gaadhay Burnley oo ay marti ugu ahayd Turf Moor.

Hakim Ziyech ayaa goolkiisii ugu horreeyey ee Premier League dhaliyey kulankii ugu horreeyey ee horyaalka uu kusoo bilowdo, waxaana laba kale ku daray Kurt Zouma oo kubbad koorne ahayd oo uu soo laagay Mason Mount madaxa ku qabtay iyo Timo Werner oo goolka saddexaad kusoo afjaray goolasha kooxdiisa.

Frank Lampard ayay u ahayd habeen wanaagsan oo qaab ciyaareed fiican ay kooxdiisu la timid, taas oo ay ku darsadeen inay ilaaliyaan khadkooda difaaca oo uu kusoo laabtay Thiago Silva oo shaqo badan qabtay, balse Zouma uu ahaa midka nafta hurayay.

Burnley oo tababaraheeda Sean Dyche uu u dabbaal-degay sannad guuradiisii siddeedaad ee uu macallin u yahay kooxdan, xafladdiisuna ahayd horraantii toddobaadkan ayaa isku dayayey inuu dhibco ka keeno ciyaartan si ay kooxdiisu sare uga soo kacdo sagxadda hoose ee ay fadhido, iyadoo laga badiyey shan ka mid ah lixdii ciyaarood ee xli ciyaareedkan iyo midda kale oo ay barbarro galee.

Xiddigii garoonka

Difaaca reer France ee Kurt Zouma oo gool dhaliyey, hab difaac wanaagsanna soo bandhigay ayaa noqday xiddigii garoonka, waxaana uu kaga guuleystay Timo Werner oo ay qiimaynta ciyaarta isku mid ka ahaayeen.

Kurt Zouma ayay si fiican u wada shaqeeyeen Thiago Silva oo isaguna khibrad ku caawinayay.

Goolhaye Pope iyo Stephens ayaa fadeexadda ciyaartu ku dhacday, waxaanay ahaayeen kuwa ugu liitay ciyaarta oo dhan.

Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood

Burnley: Pope (4), Lowton (5), Long (5), Tarkowski (5), Taylor (5) , Stephens (4), Brownhill (5), Westwood (5), McNeil (5), Barnes (5), Wood (5)

Beddelka: Rodriguez (5), Brady (N/A)

Chelsea: Mendy (7), James (7), Silva (7), Zouma (8), Chilwell (7), Kante (7), Werner (8), Havertz (7), Mount (7), Ziyech (7), Abraham (7)

Beddelka: Hudson-Odoi (7), Giroud (N/A), Giround (N/A)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More