Xiddigii Garoonka Ee Lama Filaanka Ahaa, Laacibiintii
Liverpool oo difaacanaysa horyaalka Premier League oo ay sannadkii hore ku guuleysatay ayaa hoggaanka ku qabatay guul ay ka gaadheen West Ham United oo gool kala hor martay.
Ciyaartan oo adkayd ayaa goolhaye Alisson uu arkay kubbad uu kusoo toogtay Pablo Fornals daqiiqaddii 10aad, taas oo u gudubtay shabaqiisa, balse Joe Gomez ayaa qaladka iska lahaa oo madax aan awood badan lahayn goolkiisa kaga saaray kubadda oo Fonts lugta u geliyey.
Mohamed Salah ayaa rikoodhe goolasha ugu furay kooxdiisa, isla markaana goolka barbarraha u dhaliyey intii aanay dhamaanin qaybta hore.
Klopp ayaa sameeyey laba beddel oo guusha siiyey kooxdiisa, waxaana uu isasoo raaciyey Xhaqiri iyo Jota oo iska kaashaday goolka guusha.
Shaqiri ayaa baas qurux badan goolka u hor-dhigay Jota oo isaguna shabaqa ku hubsaday kubadda.
Xiddigii garoonka
Liverpool ayaa xiddig lama filaan ahi usoo baxay, waxaana laacibkii ugu fiicnaa ciyaarta oo dhan noqday Nat Phillips oo tababare Jurgen Klopp uu kusoo bilaabay difaaca, isla markaana ka ciyaarayay booska ay ka dhaawacan yihiin Van Dijk, Firmino iyo Matip.
Phillips ayaa awood u yeeshay inuu joojiyo khatarihii ugu badnaa ee goolkiisa ku socday, sidoo kalena qayb ka qaatay dhismaaha kubadda kooxdiisa, iyadoo uu ka fogaaday inuu sameeyo wax qalad ah oo taariikhda u gala kulankiisa ugu horreeya ee Liverpool uu ugu soo bilowday.
Laacibkan ayaa noqday ciyaartoyga ugu qiimaynta sarreeyey dhamaan laacibiinta labada kooxood, waxaana uu helay darajada 8, mana jirin ciyaartoy kale oo kala sinnaa darajada heerkaas ah.
Saddex ciyaartoy oo Liverpool ah oo kala ah Wijnaldum iyo labadii beddel ee Shaqiri iyo Jota ayaa iyaguna kaalinta labaad kaga jiray qiimaynta waxaanay heleen min toddoba, darajada qiimaynta, taas oo uu kala midaysnaa Fornals oo goolka u dhaliyey West Ham.
Ciyaartoygii ugu liitay garoonka oo dhan waxa uu noqday Holler oo u ciyaarayay West Ham, waxaanu helay darajada ugu liidatay oo ah 4, waxaana waxyar dhaamaay Masuaku oo rikoodhaha Salah ku galay.
Qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood oo dhamaystiran
Liverpool: Alisson (6), Alexander-Arnold (6), Gomez (6), Phillips (8), Robertson (6), Wijnaldum (7), Henderson (6), Jones (6), Mane (6), Firmino (6), Salah (6)
Beddelka: Shaqiri (7), Jota (7), Milner (NA)
West Ham: Fabianski (6), Coufal (6), Balbuena (6), Ogbonna (6), Cresswell (6), Masuaku (5), Rice (6), Soucek (6), Fornals (7), Bowen (6), Haller (4)
Beddelka: Yarmolenko (6), Lanzini (NA), Benrahma (NA)