UN-ka:- Al Shabaab waxa ay adeegsataa hub lagu farsameeyay
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.
Guddiga Qaramada Midoobay ee la socodka cunaqabatayta saaran Soomaaliya ayaa sheegtay in Xoogga hubaysan ee Al-Shabaab ay adeegsadeen madaafiic ay soo saartay Kuuriyada Woqooyi isla markaana lagu duqeeyay xuruhama UN-ka ee magaaladda Muqdisho.
Yonhap News Agency oo laga leeyahay dalka Koofurta Kuuriya ayaa lagu daabacay in xoogga hubaysan ee Al Shabaab ay lix weerar oo hoobiyeyaal ah ku qaadeen garoonka caalamiga ah ee caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, intii u dhaxeysay Febraayo iyo May hubkaasna lagu farsameeyay dalka Kuuriyada Waqooyi.
Sawirkan,waxaa lagu daabacay websaydhka UN-ka, wuxuu muujinayaa hoobiye astaamo u eg hoobiyaha 60-mm HE nooca 63 hoobiye ah, oo lagu soo farsameeyay Waqooyiga Kuuriya.
Mid ka mid ah weeraradaas waxa uu ahaa hoobiye lagu tuuray jihada xarunta UN-ka ee ku dhex taal garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Febraayo 17, Gudiga Qubarada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidaas ku sheegay warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saareen 28-kii October 2020.
“Laba madfac oo 60-mm ah oo aan qarxin ayaa laga helay weerarkii ka dib 17-kii Febraayo 2020. Mid wuxuu leeyahay astaamo u dhigma nooca 60-mm HE oo ah hoobiye 63, oo lagu soo saaray Jamhuuriyadda Dadka Dimuqraadiga ah ee Kuuriya,” warbixinta guddiga ayaa sidaas lagu qeexay.
Bishii June, Mareykanka ayaa sheegay in waqooyiga Kuuriya ay guuldareysatay in ay sharaxdo xiriirkeeda kala dhaxeeya kooxaha xagjirka ah ee bariga Afrika iyo bariga dhexe.
“Waa mowqifka joogtada ah ee dowladda Kuuriyada Waqooyi in aan la aqoonsan argagixisada noocyadeeda,ismuujinteeda iyo wixii taageero ah ee la siiyo” diblomaasi aan magiciisa la qeexin ayaa kulanka Qaramada Midoobay ka hor sheegay hadalkaan horraantii Oktoobar 2020.
Bishii Juun, Waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay ku fashilantay in ay wax ka qabato falalka argagixisada ee caalamiga ah.
Mareykanka ayaa markii ugu horeysay u aqoonsaday Kuuriyada Woqooyi ina y tahay dowlad taageerta argagaxisada sanadkii 1988 duqeyntii ay u geysatay diyaaraddii Kuuriyada Koofureed oo ay ku dhinteen dhamaan 115 qof oo saarnaa.
Washington waxa ay liiska ka saartay Pyongyang sanadkii 2008 iyada oo ku badalatay horumarka laga gaaray wadahadalada hubka nukliyeerka.
Sannadkii 2017-kii, Mareykanka waxa uu markale Kuuriyada Woqooyi ku sheegay in ay tahay dowlad-maal-galisa argagixiso ka dib markii ay go’aansatay ayuu yiri “in ay si isdaba-joog ah taageero u siisaa ficillada argagixisada caalamiga ah”.