Gabriel Magalhaes Oo Magacaabay Xiddiga Uu Ka Helay Premier

Difaaca Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa magacaabay laba ciyaartoy oo horyaalka Premier League ka dheela oo uu aad ula dhacsanaa qaab ciyaareedkooda iyo la kulankooda, waxaanu ku daray weeraryahan ay ku adkaatay inuu xakameeyo intii uu xirfadda kubadda cagta ku jiray.

Gabriel Magalhaes oo ay da’diisu tahay 22 jir ayay Arsenal £27 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Lille xagaagan, waxaana uu boos joogto ah ku yeeshay Gunners.

Isla markii uu soo gaadhay London, Arteta ayaa kusoo tuuray kulankii Arsenal ay 3-0 ku garaacday Fulham bilowgii xili ciyaareedka iyadoo aanu waliba tababar wanaagsan la qaadanin ciyaartoyda kooxdiisa, balse laacibkan ayaa kulankaas dhaliyey gool, isagoo loo doortay xiddigii garoonka.

Intaa wixii ka dambeeyey wuxuu noqday laacib aas-aasi ah, waxaana bishii September la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddigii bisha ee Arsenal.

Gabriel Magalhaes oo u warramayay warbaahinta ESPN Brazil ayaa waxa uu sheegay in horyaalka Premier League uu yahay kan dunida ugu wanaagsan, isla markaana ay joogaan Virgil van Dijk iyo Sergio Aguero oo ah laba ciyaartoy oo dhab ahanatii uu jeclaa inuu ka hor tago, waxaanu yidhi: “Waa horyaal aad loogu tartamayo, waana sababta aan ku doortay Premier League.

“Difaaca aan inta badan la dhacsanaa ee aan awoodda u yeeshay inaan ka hor tago, waa Van Dijk. Marka aad la ciyaarayso kooxaha waaweyn, waxad isku dayaysaa inaad ka hesho faa’iido waxyaabaha ka dhacay garoonka.

“Waxa kale oo aan awood u yeeshay inaan la ciyaaro laaciob dunida oo dhan laga yaqaano, waana Aguero oo ay difaacyahanno badan doonayaan inay ka hor tagaan, si ay u arkaan qaabka ciyaartiisa.

“Waxa kale oo jira ciyaartooyo aan danaynayo inaanu iska hor nimaadno ama aanu wada ciyaarno.”

Gabriel Magalhaes oo la weydiiyey weeraryahankii ugu adkaa ee uu waajahay intii uu xirfadda ciyaaraha kubadda cagta ku jiray ayaa ku jawaabay: “Waa Mbappe oo aad u adag, waanu dheereeyaa. Waxa kale oo jira kuwo kale oo wanaagsanaa oo aanu iska hor nimid.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More