Thiago Silva, Kepa Iyo Xiddigaha Waaweyn Ee Ka Maqan Liiska
Frank Lampard ayaa shaaciyey magacyada 22ka ciyaartoy ee kulanka habeen dambe ee Champions League ay ku ballansan yihiin kooxda yar ee Krasnodar oo ay ku wada jiraan Group E, waxaana aan lagu soo darin difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo ku sugan magaalada London.
Thiago Silva ayaa caafimaad qaba oo aan wax dhibaato ah qabin, laakiin tababare Lampard ayaa go’aansaday inuu siiyo waqti nasasho, si aanay culays ugu noqonin kulamada badan ee cidhiidhiga ah xilli ay da’diisu weyn tahay oo uu u baahan yahay in taxadar badan loo sameeyo.
Silva oo muhiim u ah difaaca kooxda ayaa maqnaanshihiisu culays ku noqon doonaa khadka dambe ee Chelsea inkasta oo ay Krasnodar u arkaan inay tayadeedu aanay gaadhsiisnayn heer ay dhibaatayn karto.
Antonio Rudiger, Andreas Christensen ama Fikayo Tomori ayaa la filayaa in midkood uu difaaca kula soo bilaaban doono Kurt Zouma, halka Thiago la filayo inuu kooxda hoggaamin doono kulanka horyaalka Premier League ee ay Sabtida u tegi doonaan Burnley.
Goolhaye Kepa Arrizabalaga ayaa isaguna gurigiisa jooga oo aan lagu darin liiska ciyaartoyda Chelsea ee kulanka habeen dambe, waxaana uu ku maqan yahay dhaawac kasoo gaadhay Garabka, halka Billy Gilmour oo qalliin jilibka lagaga sameeyey kasoo kabanaya aanu wali diyaar ahayn. Sidoo kale, Marcos Alonso ayaa ganaax ku maqan.
Frank Lampard ayaa booska Kepa waxa uu ugu yeedhay goolhayaha kooxda kulliyadda ee Karlo Ziger oo kaydka u fadhiyi doona Edouard Mendy oo la filayo inuu kusoo bilowdo iyo Willy Caballero oo isaguna kusii xigi doona.
Safarkan ay Chelsea ku tagtay waddanak Ruushka ayaa waxa kooxda martida loo yahay iyadana ka maqan sagaal ciyaartoy oo muhiim ah oo dhaawacyo iyo xanuun kaga maqan, waxaana ka mid ah Marcus Berg, Ari iyo laacibkii hore ee Newcastle dhexda uga ciyaari jiray ee Remy Cabella.
Liiska ciyaartoyda 22ka ah ee Frank Lampard u xushay ciyaarta Krasnodar:
Antonio Rudiger, Andreas Christensen, Jorginho, N’Golo Kante, Tammy Abraham, Christian Pulisic, Timo Werner, Willy Caballero, Fikayo Tomori, Kurt Zouma, Edouard Mendy, Mateo Kovacic, Olivier Giroud, Mason Mount, Callum Hudson-Odoi, Ben Chilwell, Hakim Ziyech, Reece James, Cesar Azpilicueta, Kai Havertz, Emerson Palmieri, Karlo Ziger.