Madaxii Shirkadda Amal ee Magaalada Kismaayo oo la toogtay –

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta Kooxo hubeysan ay toogteen Madaxii Shirkadda Amal, qaybta Magaalada Kismaayo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdisalaan (Cabdullaahi Shigshigow).

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo, kadib markii dableyda hubeysan ay toogteen marxuumka.

Ciidamada Booliska Jubbaland oo tagay goobta dilka uu ka dhacay, ayaa waxa ay halkaasi ka qaadeen meydka Marxuumka, mana jirin cid loo soo qabtay dilkaasi.

Illaa hadda lama oga rasmi ahaan dadka ka dambeeyay dilka loo gaystay Cabdullaahi Shigshigow oo caan ka ahaa Magaalada Kismaayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in nin qori AK47 ku hubeysnaa uu ka dambeeyay dilka marxuumka. Goobjooge ayaa sheegay in marxuumka laga toogtay madaxa iyo xabadka, isla-markaana uu u geeriyooday rasaastii lala dhacay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka dilka gaystay uu ka tirsan yahay Ciidamada Maamulka Jubbaland, inkastoo aanay taasi weli ka hadlin Jubbaland.

Majirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More