Saxiixa Cusub Ee Arsenal Thomas Partey Oo Lagu Qasbay Inuu

Saxiixa Arsenal Thomas Partey ayaa lagu qasbay inuu hees u qaado ciyaartoyda kooxda ka hor kulanka Leicester City ee caawa iyadoo dhaqanka uu yahay in xiddig walba oo cusub uu hees u qaado ciyaartoyda uu u imaanayo.

Xiddiga khadka dhexe ee Ghana Thomas Partey ayaa ciyaartoyda sacab ka keenay ka hor kulanka caawa ee Leicester City iyadoo la filayo inuu ku soo bilowdo kulankiisii ugu horeysay ee Premier League.

Partey oo 27 sanno jir ah ayaa heshiis 50 milyan euro uga soo wareegay kooxda Atletico Madrid maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga, isagoo durbaba labo kulan u saftay kooxda Gunners.

Wuxuu ka soo kacay kursiga keydka kulankii Premier league ee ay guuldarada ka soo gaartay Manchester City isbuucii la soo dhaafay.

Wuxuu ciyaaray 90 daqiiqo oo buuxda kulankii Europa League ee ay ka badiyeen kooxda Rapid Vienna Khamiistii.

Ka hor kulanka ay Leicester City imaaneyso Emirates Stadium caawa iyadoo Partey la filayo inuu ku soo bilowdo, kabtanka Pierre-Emerick Aubameyang ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaalka Partey oo hees u qaadaya xiddigaha kale ee Gunners.

Partey ayaa qaadayay hees wadankiisa Ghana laga qaado iyadoo asxaabtiisa cusub ee Arsenal ay sacabka ku caawinayeen.

Aubameyang ayaa muuqaalka cinwaan uga dhigay: “Thomas Partey, waan ka xumahay kama baxsan kartid” isagoo u la jeeda inuusan ka baxsan karin dhaqanka ah inay ciyaartoyda cusub hees u qaadaan xiddigaha kooxda.

Ka dib markii uu xiddiga khadka dhexe koray kursi si uu heesta u qaado ciyaartoyda kale ayaa dhiirogelin u sameeyay.

Markii uu kursigiisa ku soo laabanayay kaamirada waxay qabatay David Luiz oo qoslaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More