Dab xoog-leh oo ka kacay warshad ku taalla Garoowe

Garoowe (Axadle) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo saaka ka kacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana haatan socda gurmad lagu daminayo dabkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka kacday warshadda isbuunyada Tabaarak oo ku taalla bartamaha magaaladaasi, mana cadda sababta dhalisay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in haatan ay gubaneyso warshada oo ay tiilay hanti fara badan.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland iyo gaadiidka gurmadka deg deg ah waxayna ku howlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen dabka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dabkaasi ka kacay warshada isbuunyada Tabaarak.

Ma cadda weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan oo la sheegay inuu sii fidayo goobo horleh oo ku yaalla Axadle Punntland ee Garoowe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More