Iska Illow Chelsea, Man United, City & Liverpool: Erling Haaland Oo La

Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland waxa uu bartilmaameed u yahay kooxaha ugu waaweyn horyaalka Premier League, gaar ahaan Chelsea oo geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushay sidii ay u heli lahayd, laakiin waxa uu isagu dareensan yahay in ay tahay, in uu wali sii joogo Borussia Dortmund oo uu ku qaatay muddo sannad iyo badh ah.

Muddo kooban oo uu wacdaro kaga dhigay RB Salzburg oo ka dhisan waddanka Austria, Erling Haaland ayaa ka degay Bundesliga xilli ay kooxaha qaarkood gaar ahaan Manchester United fursad weyn u haysatay inay la saxeexato, laakiin hadda way ku adag tahay koox kasta, lacagtiisuna waxay noqon doontaa mid rikoodka Premier League jabisa haddii ay waqtigan kooxuhu isku dayaan inay la saxeexdaan.

Inkasta oo kooxaha waaweyn yihiin kuwa uu laacibkani ku dambayn doono, lana rumaysan yahay in aanu muddo dheer sii joogi doonin Borussia Dortmund, waxa soo baxaya xaqiiqada kooxda horyaalka Premier League ka ciyaarta ee qalbigiisa ku weyn, isla markaana uu taageeraha u yahay.

Erling Haaland ayaa toddobaadkan la arkay isaga oo ku labbisan nigis/short ay leedahay mid ka mid ah kooxaha horyaalka Premier League oo uu taageero u yahay, laakiin ma ahayn kooxaha waaweyn, sida Chelsea oo lala xidhiidhinayo, Manchester United, Liverpool iyo Manchester City oo uu aabbihii u ciyaari jiray.

Aabaha dhalay Erling Haaland oo lagu magacaabo Alf-Inge Haaland ayaa ka ciyaari jiray horyaalka Premier League, waxaana la xasuusan yahay waqtigii uu afka hore u istaagi jiray Man City, hase yeeshee waxa kale oo uu muddo saddex sannadood ahayd oo u dhaxaysay 1997 illaa 2000 Alf-Inge Haaland u ciyaaray Leeds United oo uu u saftay 73 kulan.

Sannadkii 2000, Alf-Inge Haaland ayaa waxa uu u dabbaal-degay dhalashada wiilkiisa Erling Haaland oo ku dhashay West Yorkshire sannadkii 2000 isagoo u ciyaarayay Leeds United.

Maadaama uu dhashay waqtigii aabbihii u ciyaarayay Leeds United, Haaland ayaa waxa uu taageero u yahay kooxda aabbihii u ciyaari jiray ee Leeds, waxaana usbuucan uu ku labbistay dharkeeda, taas oo muujisay in uu qalbiga ku hayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More