Skip to content
Monday, July 13, 2026 Mogadishu 29°C Breaking: Iran Says It Is Continuing Mediated Talks to Prevent Escalation
Breaking News
Axadle | Stay Informed with Horn of Africa Headlines

My Axadle

Saved stories

Followed topics

Reader preferences

Language
Edition

Sports English

HESHIIS BUUXA: Chelsea Oo La Heshiisay Saxeexeedii Koowaad Ee Suuqan &

Follow
Laacib

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay dhammaystirayso saxeexa goolhaye Marcus Bettinelli kaas oo u noqonaya shabaq-ilaaliyaha dookha saddexaad kaddib Edouard Mendy iyo Kepa Arrizabalaga.

Goolhayihii hore ee kooxda Fulham oo diiday dalab uu ka helay Aston Villa ayaa heshiis laba sano ah la gaadhay Chelsea waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda qalinka ugu duugo heshiis rasmi ah Blues isaga oo si xor ah kaga imanaya Fulham.

Bettinelli ayaa la filayaa inuu tijaabada caafimaadka u maro Chelsea sidoo kalena heshiiskiisa rasmi laga dhigo 48-ka saacadood ee soo socda.

Chelsea ayaa ahayd mid suuqa ka raadinaysay goolhaye dookha saddexaad ah kaddib bixitaankii Willy Caballero oo ka tagay dhammaadkii bishii June.

29 sano jirkan ayaa xilli ciyaareedkii hore kusoo qaatay kooxda Middlesbrough isaga oo kasoo caawiyay kooxda tababare Neil Warnock natiijooyin fiican walow ay kulamada bug-baxa ee Premier League loogu soo baxo gaadhi waayeen.