Skip to content
Tuesday, July 14, 2026 Mogadishu 29°C Breaking: BBC Broadcasting Errors Affect Confidence in Journalism, Chair Says
Breaking News
Axadle | Stay Informed with Horn of Africa Headlines

My Axadle

Saved stories

Followed topics

Reader preferences

Language
Edition

Somalia English

Sawirro: Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay guddiyada doorashoo…

Follow

Kismaayo (Axadle) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddiga hirgelinta doorashada dadban ee heer federaal & midka maamulkaasi, isagoo kala hadlay doorashada.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), waxaana intii uu socday shirkan diirada lagu saaray shaqooyinka labada guddi.

Ugu horreyn madaxweyne Axmed Madoobe ayaa warbixin ka dhageysatay guddiyadan, taas oo la xiriirta duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay ilaa hadda shaqadu u socoto.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada ay u dhici doonto qaab hufnaan leh oo xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale wuxuu ku amaanay guddiyada doorashooyinka ee haatan diyaar garowga wda shaqooyinka u qabsoomay maalmihii lasoo dhaafay ee la xiriira qabashada doorashada.

Ugu dambeyn madaxweynaha Jubbaland ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaalka iyo kan maamulkaasi inay laba jibaaraan dadaalladooda, si markaasi loo guda-galo qabashada doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya.

Kulankan wuxuu ku soo aadayaa, xilli uu dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada xildhibaanada Aqalka Sare oo qorshuhu ahaa inuu bilowdo 25-kii bishan, balse waxaa haatan socda diyaar garowgii ugu dambeeyey, waxaana lagu horreysan magaalada Kismaayo oo lagu soo xuli illaa sideed kursi oo Jubbaland ay ku leedahay Aqalka Sare.