Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulamada Barcelona vs Ferencvaros,
Barcelona ayaa kulankeedii ugu horreeyey ee horyaalka Champions League ciyaaraysa kaddib bahdilaaddii ay Bayern Muncih 8-2 ugu xasuuqday xili ciyaareedkii hore, waxaana uu tababaraha cusub ee Ronald Koeman oo isagana ay u tahay kulankiisii ugu horreeyey ee Champions League ee uu kooxdan hoggaamiyo uu kusoo bilowday shax adag oo ka caawin karta inay libinta ku gaadhaan garoonkooda Camp Nou.
Ronald Koeman ayaa ciyaarta kusoo bilaabay kabtan Lionel Messi oo ay garbihiisa taagan yihiin Coutinho iyo Trincao, waxaana afka hore ee weerarka kali ku ah Ansu Fati.
Weeraryahanka reer France ee Antoine Griezmann ayaan ka muuqanin shaxda koowaad, kaddib bandhiggii liitay ee uu ciyaartii ugu dambaysay muujiyey, taas oo ay uga horreysay tababare Koeman oo uu si maldahan u canaantay.
Shaxda rasmiga ah ee kulanka Barcelona vs Ferencvaros:
XI BARCELONA: Neto; Dest, Lenglet, Piqué, Sergi Roberto; Pjanic, De Jong; Trincao, Coutinho, Messi; Ansu Fati.
XI FERENCVAROS: Dibusz; Civic, Kovacevic, Blazic, Botka; Kharatin, Siger, Laïdouni; Nguen, Zubkov, Isael
Shaxda rasmiga ah ee kulanka Rennes vs Krasnodar:
Rennes XI: Gomis; Traoré, Da Silva, Aguerd, Dalbert; Bourigeaud, Nzonzi, Camavinga; Del Castillo, Guirassy, Terrier Krasnodar XI: Safonov; Smolnikov, Sorokin, Kaio, Ramirez; Utkin, Olsson, Vilhena; Petrov, Berg, Chernov.
Krasnodar XI: Safonov; Smolnikov, Sorokin, Kaio, Ramirez; Utkin, Olsson, Vilhena; Petrov, Berg, Chernov.
Dhinaca kale, Borussia Dortmund ayaa xiddigaheedii Erling Haaland iyo Jadon Sancho ay ugu soo bilowdeen kulanka ay martida ugu tahay Lazio, waxaana la eegayaa haddii uu mishiinkii goolasha ee Haaland mar kale Champions League ka dhalin doono goolashiisii daadka ahaa.
Shaxda rasmiga ah ee Lazio vs Borussia Dortmund
? BVB STARTING XI VS. LAZIO ?
Captain Marco leads the squad ©️Jude will make his first UCL start ✅Delaney slots in at the back ? pic.twitter.com/JtgxRIqB6H
— Borussia Dortmund (@BlackYellow) October 20, 2020