Edinson Cavani Oo Laga Qaaday No. 7, Maxaa Uu Xidhan Doonaa Xilli

Edinson Cavani ayaa laga qaadayaa lambarka caanka ah ee No.7, waxaana la siinayaa saxeexa cusub ee Jadon Sancho oo la sheegay in uu ahaa qodob ku jiray heshiiskii ay kooxdu la gashay.

Inkasta oo Manchester United aanay si rasmi ah ugu dhawaaqin in Sancho uu xidhanyo No. 7, haddana warbaahinta Ingiriiska aya tibaaxday in da’yarka reer England loo diyaariyey lambarkan oo laga qaadayo Edinson Cavani oo xilli ciyaareedkii hore xidhnaa.

Jadon Sancho oo Manchester United ay Borussia Dortmund kagala soo wareegtay £73 milyan oo Gini, ayaa Old Trafford iska xaadirin doona marka uu dhamaado tartanka qaramada Yurub ee dalkiisu semi-finalka taagan yahay.

Edinson Cavani ayaa isaguna ku maqan Latin America oo uu dalkiisa Uruguay kala qayb-gelaya tartanka Copa America oo ay ku hadheen wareeggii siddeedda, waxaana 34 jirkan oo dhowaan saxeexay heshiis cusub oo sannad ah oo uu kusii joogayo United uu kusoo laaban doonaa Ingiriiska bishan July.

Xilli ciyaareedkii hore ayuu Cavani dhaliyey 17 gool oo dhamaan tartamada ah, waxaana lagu tilmaamay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee xidhay No.7 intii ka dambaysay Cristiano Ronaldo, hase yeeshee masii calfanayo lambarkan waxaana kala wareegaya Sancho, taas oo si’ loogu arki karo ixtiraam darro ay kooxdu u muujisay, hase yeeshee ay noqon doonto in isaga laga helo ogolaansho ka hor inta aanay kooxdu si rasmi ah ugu dhawaaqin in Jadon Sancho uu xidhnayo lambarkan.

Su’aasha taagan ayaa waxay tahay, lambarka uu xidhan doono Jadon Sancho marka laga qaado No.7, waxaanay warbaahinta Ingiriisku soo bandhigayaan tirooyin kala duwan oo bannaan oo uu xidhan karo.

Laacibkan ayaa hore usoo xidhay No.7 xilligii uu jooay Napoli, waxa kale oo uu xidhay No.9 PSG, halka xulka qarankiisa uu No.21 u xidho. Lambarkan dambe ayaa la sheegay inuu aad u jecel yahay Cavani oo uu dhabarkiisa ka muuqday tan iyo 2011 oo uu dalkiisa u xidhnaa, laakiin Manchester United kama heli karo, waxaana haysta Daniel James.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegaysa in No. 21 looga diyaarinayo Old Trafford oo looga saarayo Daniel James oo u guuri doona No. 20 oo uu iska leeyahay Diogo Jota oo AC Milan amaah ugu maqan. Haddii se ay suurtogeli weydo, Cavani ayaa kala dooran doona 12, 16, 22, 24, iyo 25 oo iska bannaan. Sidoo kale, 14 iyo 15 ayaa bannaanaan doona haddii ay kooxda ka tagaan Jesse Lingard iyo Andreas Pereira oo xilli ciyaareedkii hore amaah ku maqnaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More