Hal Koox Oo Arsenal Laba Xiddig Ka Qaadatay, Tababare Gaar U Dalbaday
Paris St-Germain ayaa heshiis u bandhigtay Lionel Messi oo qandaraaskiisii Barcelona dhacay bishii hore, si kastaba Barcelona ayaa ku rajo weyn inay qandaraas cusub ka saxeexato 34 sano jirkaas. (AS – in Spanish)
Manchester United ayaa rajaynaysa inay Donny Van De Beek bixitaan u ogolaato xagaagan xilli uu jiro xiiso uga imanaya Real Madrid oo doonaysa inay qaab amaah ah ku qaadato. (Star)
Heshiis uu Van De Beek ku baxo ayaa fududayn karta qorshaha Manchester United ee Raphael Varane. (Sun)
Liverpool ayaa doonaysa inay u dhaqaaqdo khadka dhexe ee Atletico Madrid ee Saul Niguez, Saul ayaa xiisaynaya ka ciyaarista Premier League. (La Razon – in Spanish)
Liverpool ayaa sidoo kale xiisaynaysa khadka dhexe ee kooxda Lille iyo xulka Portugal ee Renato Sanches balse tartan kala kulmi karta Arsenal. (Onze Mondial – in French)
Arsenal ayaa diyaar u ah inay tixgeliso heshiis ay ugu dhaqaaqdo goolhayaha West Brom ee Sam Johnstone haddii ay awoodi waydo soo xerogalinta Aaron Ramsdale oo Sheffield United ka tirsan. (Star)
Juventus tababaraheeda Massimiliano Allegri ayaa u sheegay kooxda Juventus inuu doonayo saxeexa Paul Pogba, 28 sano jirka Man United ayaa laba Serie A kula soo guuleystay Allegri iyo Juve wakhtigii uu hore ugu soo qaatay. (90 Min)
Hakim Ziyech ayay doonaysaa AC Milan oo u aragta xiddiga Chelsea mid ka macquulsan James Rodriguez oo Everton ka tirsan sababtoo ah mushaharkiisa. (Corriere dello Sport via Sport Witness)
Dhinaca kale AC Milan ayay Barcelona saxeexa Philippe Coutinho u bandhigtay xilli ay Barca doonayso inay 29 sano jirkaas ka saarto liiska mushaharaadka ay bixiso.. (Mundo Deportivo – in Spanish)
Martin Odegaard ayaa xaqiijiyay inuusan Arsenal xilli ciyaareedka dambe ku laabanayn kaddib markii uu bilihii ugu dambeeyay qaab amaah ah kula soo joogay kooxdaas. (Football London)
Bayer Leverkusen xiddigeeda xulka Czech ee Patrik Schick oo tartanka Euro wacdarro ku dhigay ayay doonaysaa AC Milan. (Tuttomercatoweb – in Italian)
Inter Milan ayaa wadahadalo la furtay wakiilka daafaca midig ee kooxda PSV Eindhoven iyo xulka Netherlands ee Dumfries. (Calciomercato via Football Italia)
Khadka dhexe ee Arsenal ee Matteo Guendouzi ayaa kusii dhawaanaya heshiiska uu ugu biirayo kooxda ree France e Marsielle oo sidoo kale la filayo inay qaab amaah ah ku qaadato daafaca dhexe ee William Saliba. (Goal)
Toni Kroos oo ka hawl-gabay waajibaadka xulka qarankiisa Germany ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu kubadda cagta kaga fadhiisto kooxdiisa Real Madrid xilli heshiiska uu kula jiraa uu gaadhsiisan yahay ilaa 2023. (Marca)